Tababarkaan oo ah mid sanad walaba Mu’asasada Alminhaaj ee Dacwada Iyo Horumarinta Arimaha Bulshada Xafiiskeeda Gobolka Nugaal waqtiada Fasaxa ardayda Uga faa iidayo Aqoon korarsi Muhiim ah oo ay kasoo qayb galaan Aqoon yahano Waqtigaas Arda siiya Cilmi Diini Iyo Maadi intaba leh .
Mudadii Aysocotay Dowradaan waxaan ardaydu ku qaadatay Kutub diini ah /Aqoon guud /Axaadiista Nabigeena S.C.W / Suugaanta Somali/Khayraadka Dalkeena Iyo Duruus Kaloo lamid ah.
Soo Xiritaanka Kulan Aqooneedkaan Loogu Magacdarady Dowrada Risaala waxaa kasoo qayb galay Wasiirku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax /Gudoonka waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax /Madaxda sare Ee Mu’asasda Alminhaaj Nugaal /Culima Awdiin Iyo Marti sharaf Kaloo Badan .
Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan loo soo agaasimay ayaa Waxaa laga soo Jeediyay Dardaarano Iyo Khudbado Ku aadan Qiimaha uu leeyaha aqoon kororsigaan oo kale ah waxaana dhamaan mas’uuliyiintii goobta kahadashay Ay Siwada jir ah u ladardaarmeen ardadii ka faa ii daysatay Mudadii ay Socotay Dowrada Risaala .
Ugu Danbayntii ardadaan oo kakala socotay Jaamacadaha Garowe/Dugsiyada Sare/Macaahidda Iyo arday kasoo xagaabaxay bosaso waxaa lagudoon siiyay Shahaado Cadaynaysa Aqoontii Ay Qaateen .
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj
Nuur Jaamac Aadan