Waxaa maanta Kaqalin jabiyay Machadka Khadiija Bintu khuweylid ee Barashada Shareecada Islaamka dufcadii 10aad Ahna Tiradii ugu badnayd ee Intii uu jiray Machadu Kaqalin jabisa.
Dufacdaan Maantay Kaqalin jabisay ayaa dhamayd 63arday oo iskugu jirta wiilal iyo gabdho sida uu sheegay Maamule kuxigeenka Machadka Cabdalla saciid Khayaad.
Xafladaan oo ahayd mid balaaran islamarkaana ay kasoo qayb galeen Wasiirka Arimaha diinta Dowlada puntland /Culima Aw Diin /Madaxda Mu’asasda Al-minhaaj /Mamulka &Mcaliimnta Machadka Khadiija Bintu Khuweylid Iyo Waliba marti sharafkaloo badan.
Waxaa xusid mudan in labadii arday oo ugu sareeyey ay jaamacadda bariga afrika iyo mu’asasada alminhaaj u ballan qaadeen deeq waxbarasho.
Xafladu Waxay kusoo dhamaatay Jawi farxad ka muuqato dhamaan ardaydii iyo waalidiinta ayaa siwadajir ah uga mahadceliyay Mamulka Iyo Macalimiinta Machadka Khadiija Bintu Khuwaylid
Nuur Jaamac Aadan
Xafiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj
Email. [email protected]