+252 90 7798232 [email protected]

Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Hurumarinta Bulshada oo ku howlan sidii Umadda islaamkaa Guud ahaan gaar ahaan Bulashada Ay kadhax shaqayso  u hagaajin lahayd Arimahooda Aakhiro Iyo Aduunba.

Waxaana magaalada garowe kusoo  banayay Mudooyinkii Danbe Arimo Lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan ee ay ina farayso Diinteena suuban waxaana ugu horeeya in lasamaysto Xaflado Lagu haasaawayo Wiilal Iyo Gabdho Iyadoo Qaybo kamid ahna Wiilasha iyo gabdhuhu Faraanti Jacayl Isku geliyaan faraha iyo sidoo kale Wiilasha oo timaha u jarta Si shabahda gaalada iyo cayaartowda.

Ugudanbayn Xafiiska Arimaha Dacwada ee Minhaaj Nugaal ayaa sooqaban qaabiyay Kacdoon Wacyigalin oo balaaran taas oo Dhalinyadara Goobaha Waxbarashada Laga wacyi galinao.

waxaana Sakay Culimadu Tageen Inta Badan  Dugsiyada Sare Ee Kuyaal Garowe Waxaana Kamid ahaa Al-Waaxa Waxaana Ardayda Kala hadlay Sh Mukhtaar Axmed Faarax Oo Ardada Ujeedshay Dardaaran Kuwajahan Hagaajinta Akhiradooda  Iyo Aduunkooda.

Dugsiga Gambool Ayaa isna kamid ahaa Goobihii Sakay Latagay Waxaana Ardayda Halkaas Kulahadlay Sh Suldaan C/qani Qorane  Iyo Nugaal Oo Uu Ardada Kulahadlay Sh C/risaaq Dahabi.

waxaana Loobalan san yahay In Latago Dhamaan Goobaha Waxbarashada Ee Gobolka Nugaal Sida Uu Noosheegay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Sh Maxamed Siciid Xasan (Jamiiqe)

Nuur Jaamac Aadan Al-Minhaaj 

1414 1313 1212 1010 99 33 1111 55 66 88 77 22 12 11 10 9 8 2 3 4 5 6 7 1