Waxaa maalmihii lasoo dhaafay guud ahaan puntland gaar ahaan Garowe laga hadalhayay gole lamagac baxay Walaalaynta Bulshada iyo Qabyaalad diidka kuwaas oo aragtidoodu tahay sidii loo helilahaa Bulshada soomaaliyeed oo midaysan islamarkaana kabaxday qabyaaladda Iyo Coladda .
Golahaan oo dhawaan lagaga dhawaaqay garowe ayaa mudadii uujiray waxaa uu bilaabay olole Bulshada lagu wacyigalinayo islamarkaana lagu baraarujinayo Sharecada Islaamku Waxaykaqabto Qabyaalada .
Muxaadaraat kaan oo kaga duwan kuwii hore marka laga eego Halkudhiga Ugaarka ah qabyaaladda iyo Culimada soojeedinaysa oo iyana ah Culimadii kasoo baxday Macadul Caali oo ah Macad Soosaara Culimo Aqoon durugsan u leh Shareecada Islaamka .
Muxaadaraatkaani waxay kasocdaan habeenkii Masjidka Al-Huda Garowe Maalintina waxay kasocdaan Masjidka Al-Raxma waxaana lasoo afmerayaa Habeenka Jumcaha .
Dadweynaha Reer garowe oo aad ugafaa iidaystay ayaa sheegay in ay kaqayb qaadan doonaan sidii loo diidi lahaa qabyaalad islamarkaana loo walaalayn lahaa Bulshada.
Golaha Walaalaynta Bulshada Iyo Qabyaalad diidka Garowe
Hooska daawo Golaha Iyo Xafladii Loogu walqalay