+252 90 7798232 [email protected]

machad al furqan

armaanyo:-Xafladii  Xidhitaanka Sanad Dugsiyeed 2013-2014 ee  Machadka Imaam NAWAWI  ayaa waxaa lagu qabtey 12/06/2914 Magaalada Sarmaanyo ee Gobolka Sool oo kaga beegan Waqooyi Bari ee Magaalada Laascaanood. Xafladaan oo ay soo Agaasimeen Maamulka Mac-hadka Nawawi ayaa ka Qayb galay Culimaa’u diinka Gobolka Sool oo uu Hogaaminayo Sh.C/Naasir Xaaji Axmed , Shiikh Axmed Maxamed Suleymaan , Shiikh Maxamed Suleymaan Warsame iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku Dhaqan Magaalada Sarmaanyo ee Goboka Sool.

Xafladan oo ahayd Xafladii Xidhitaanka Mac-hadka Imaam NAWAWI ee Sanad dugsiyeedka 2013-2014 ayaa Waxaa dhigta ilaa 110 arday oo iskugu Jira Wiilal iyo Hablo. Sidoo kale waxaa Dhinac socday Xaflad kale oo Tartanka Qur’aanka Kariimka ah , oo Abaalmarino la Gudoon siinayey Ardaydii ku Guuleystay Tartankii Qur’aanka ee ka dhacey Magaalda Sarmaanyo .

Xaflada Waxaa ka Hadlay oo ka Jeediyey Wacdi iyo Dardaarno uu siiyey Ardayda iyo dadka Deegaanka ku nool  Sh.C/Naasir Xaaji Axmed  iyo Shiikh Axmed Maxamed Sulaymaan ooah Gudoomiyaha Mu’asasada Alkaram Faraceeda Gobolka Sool.