+252 90 7798232 [email protected]

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 jan-2018 ayaa waxaa ay si wada jir ah xadhiga uga jareen dhisme cusub oo shirkada Golis ay ka hirirgelisay magaalada Boosaaso iyo Viber Obtic oo ah khad internet oo badda lasoo mariyey kana hawl gelidoona gobolada Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayay munaasabada xadhig-kajarka Madaxwaynaha DF Soomaaliya, maamulka degmada Boosaaso, maamulaka gobolka Bari ,masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad. iyo maamulka shirkada isgaarsiinta Golis.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa si wada jir ah xadhiga-ujaray dhisme cusub oo todoba dabaq ah oo shirkada is gaarsiinta ee Golis leedahay.

Madaxwaynaha dawladda Puntland oo munaasabada xadhig jirida ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in shirkada Golis ay wax badan oo horu-mar ah ku soo kordhisay Puntland, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu sheegay in dhismahan maanta xadhaiga laga jaray uu la mid yahay dhismayaasha casriga ah ee adduunka.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxa uu si aad ah ugu mahac celiyay ganacsatada ku dhiiraty in ay dhismayaal noocaas ah ka hirgeliyaan Mgaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Sidoo kale Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Frmaajo oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu xadhiga ka jaro dhismahaan casriga ah ee shirkada Golis ay ka hirgelinayso magaalada Bosaaso, dhismahan oo ka kooban 7 dabaq ayuu Madaxwaynaha DF Soomaaliya sheegay in ay farxad gaar aha utahay in dalka lagu soo kordhiyo.

Dhinaca kale qaar kamid qado sharaf lagu maamuusay Mdaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxaa usameeyey Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada Puntland, sidoo kale qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaasha Dawladda Federalka Soomaaliya iyo golayaasha Dawladda Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa uga mahad celiyay Ugaaska qada sharafta uu ku maamuusay, isla marhaantaana bogaadin iyo mahad balaadhan usoo jeediyey dadweynaha gobolka Barrie e sida diiran usoo dhaweeyey.

Ugu danbayn Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Mdaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay socod ku soo mareen qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso iyagoo ka adeegtay goobta adeega ee Al Macruuf oo ah goobaha ganacsi ee ku yaala magaalada Boosasso, isla mara-ahaantaana waxa ay wefdigu tagaeen Beerta Maandeeq oo ah goob dhalinyaradu isugu timaado iyaga oo halkaasi kula kulmay kumanaan dhalinyarada magaalada Boosaso ka mid ah, kuwaasi oo halkaasi kula qaadanayey maalinta Jimcaha ee fasaxa lagu jiro.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

25353744_10212399730520654_5285384413349147203_n 26230474_10212399726880563_3651462129338240940_n 26230625_10212399728520604_6062550967210236912_n 26231127_10212399726240547_6511161102027682239_n 26231295_10212399729760635_3482949809471407013_n 26231325_10212399730080643_178350332343491287_n 26231643_10212399726440552_4165769066026645971_n 26239537_10212399729320624_8081695809347544264_n 26734009_10212399729040617_2230699960095006248_n