+252 90 7798232 [email protected]

14

Nairobi:-Dufcadii ugu horreysay ee arday ah ayaa maanta  ka qalin jibisay jaamacadda Islaamiga ah ee Raaf  international university, ee dalka Nairobi Kenya.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, loona qabtay arday ka qalin jibineysay jaamacadda Raaf, kuliyaddeeda shareecada, ayaa maanta lagu qabtay  xarunta jaamacadda ee xaafadda South C ee magaalada Nairobi.

Munaasabadda, ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale , Senetor Billow Keerow iyo mas’uulyiin kale oo aad u fara badan.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goob joog ka ahaa, safiirrada dalka Kenya, u fadhiya wadamada Qatar iyo Suudaan, iyadoo munaasabaddu ahayd mid aad u qurux badneyd.

Jaamacadda Raaf, ayaa ah jaamacad weyn, taasoo welina la sii balaarinayo, waxaana lagu bartaa culuum kala duwan, oo ay shareecadu ka mid tahay, iyadoo kulliyado cusubna lagu darayo.

Sawiradii Ardeyda Jacamada Raaf Hoos Ka Daawo 

33 23 14 7 6

 Liibaan Ducaale Faraax

Jaamacada Raaf Nairobi Kenya