+252 90 7798232 [email protected]

Markis maryama bintu Cimraan  oo ah goob ugaar ah waxbarashada haweenka  noocyadeeda kaladuwan sida Barashada Shareecada Islaamka  Iyo Dhamaan wixii lagu Hormarinayo Xirfada haweenka ayaa mudadii ay jirtay waxay ku tilaabsatay tilaabooyin muhiim ah  oo u badan tayaynta Waxbarashada  haweenka .

Markiska oo kaduulaya ulajeedkii loo aas aasay ayaa bilaabay koorsooyin kaladuwan sida Barashada harqaanka /barashada Toliinka dharka /barashada Cunta karinta /barashada  Karinta ama buufinta dharka iyo xirfada kaloo muhiim ah waxaana maantay lasoo afmeeray dufcadii 1aad ee dhamaysatay Barshada Cunta karinta  waxaana ka qalin jabiyay 23dumar ah kuwaas oo bartay  Karinta Cuntada qaybaheeda kaladuwan oo isku dheeli tiran.[nggallery id=81]

Cuntada ay barteen dumarkaan waxay dhamaanteed tahay tan kazoo baxday dhulkeena taas oo sababi karta in laga kaaftoomo isticmaalka  cuntada katimaada dibada maadaama dhakhaatiirtu amaantay tan kasoo baxda dhulkeena hooyo.