+252 90 7798232 [email protected]

Galkacyo:-Wafdi ka socday Mu’asasada Dacwada Iyo Hormarinta Alminhaaj Faraceeda Gobolka Mudug ayaa wuxuu Booqasho ku tagey Degmada Galdogob iyadoo safarkaasi ujeedkiisu ahaa ukuur gelida Baahiyaha Dacwadeeda ee ka jira Degmada Galdogob iyo Deegaanada Hoos Yimaada.

Wafdigan oo uu Hogaamiyay Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Mudug Ustaad Axmed Faratooyo ayaa waxaa ku  weheliyay madax ka socota xafiisyad  Mashaariicda, Maaliyadda, warbaahinta iyo xiriirka Dagmooyinka .

Wafdiga ayaa  waxaa si balaaran usoo dhaweeyay Ducaadda Degmada Galdogob oo uu u horeeyo Gudoomiyaha Mu’asasada Faraca Galdogob Farxaan Axmed C/laahi.

Wafdigu intuu joogay Galdogob wuxuu booqday qaybaha kala duwan ee magaalada, waxayna dawrooyin iyo kulamo kala duwan la wadaageen qaybaha bulshada ee ku sugan Degmada Galdogob.

Intii uu wafdigu ku sugnaa Degmada Galdogob  ayaa  wuxuu u kuur galay baahiyaha Xafiiska Alminhaaj-Galdogob iyagoo iswaydaarsaday xogo iyo khibaraad kala duwan.

Ugu Dambeyn waxa uu Gudoomiyaha Alminhaaj Mudug Ustaad Axmed Faratooo uu ubalan qaaday Maamulka sare Ee Alminhaaj Galdogob inay iska kaashan doonaan Xalinta Baahiyaha Dacwadeed ee ka jira Galdogob iyo deegaanada hoos yimaada.




Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Alminhaaj Mudug