Galdogob:Habeenimadii Xalay ahayd waxaa Masjidka weyn Ee Jaamica Magaalda Galdogob ka Bilowday Tartan Balaaran oo ay ku Tartamayeen Ardayda Ku Taxan Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ee uu Akhriyo Sheekh Cabdiweli Nuux Muuse.
Tartanka ayaa waxa uu ahaa mid ay Ardaydu ku Tartamayeen Tobanka Juz ee uu soo Akhriyay Sheekh Cabdiweli Nuux,waxaana goob joog ka ahaa dadweynaha aad ufarabadan oo daawanayay qaabka ay ardaydu uga jawaabayeen su’aalaha culumadu ay weydiinayeen.
Tartankani ayaa sida Qorshuhu yahay waxa uu soconayaa mudo Todobaada,waxaana ka qeybgeli doona Ardayda gaareysa ilaa iyo 60 Arday oo isugu jira wiilal iyo Gabdho,waxayna ardayda ku Tartamayaan Qoraal iyo Akhris labadaba insha allaah.
Inta uu socda Tartankani waxaa Garsoori doona culuma ay ka mid yihiin
1) Sheekh Cabdiweli Nuux Muuse
2) Sheekh Xasan Daahir
3) Sheekh C/raxmaan C/nuur Cilmi
4) Sheekh Mawliid Haybe
Tartanka ayaa waxaa soo Qaban qaabisay Mu’asasada Alminhaaj Mudug gaar ahaan Faraceeda Galdogob waxaana aryda kaalmaha hore gasha la Gudoon siin doonaa Abaal marino kala duwan oo dhiiragelin u ah Ardaydaasi ku Taxan Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ee uu Akhriyo Sheekh Cabdiweli Nuux Muuse.
Si kastaba ha ahaatee Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ee uu Akhriyo Sheekh Cabdiweli Nuux Muuse ayaa waxa uusoo Bilowdey 6/11/2017,waxaana ku taxan dadweynaha aad ufarabadan oo isugu jira Ragg Iyo Dumar.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Alminhaaj-Mudug