+252 90 7798232 [email protected]

Nadwadaan oo ah tii 16aad oo xiriir ah ee kadhacda Bosaso Gaar ahaan Masjidka Al-Rowda  waxaana sanadkaan ka qayb qaadanaya Qaybo kamid ah  Culimada waawayn Ee Somalida Waxaana  Halku dhig looga dhigay (Hagaajinta (Bulshada Waa Mas’uuliyada Wadareed) .

Waxaa caawa darsiga 1aad qaatay Caalimka Soomaaliyeed Sh Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf  waxaana sheekhu sikooban uga hadlay hordhac ku saabsan  mas’uuliyada guud  waxaana sheekhu sidhamaystiran u qaadaadhigay Mas’uuliyada qofwalba oo muslim ah laga doonayo iyo In lays kula xisaabtamo qofkii dayaca Mas’uuliyada  islamarkaana Loona nasteexeeyo  qofkii dayaca.

Dhanka kale waxaa sheikh daahir Aw Cabdi Baaq Udiray Madaxda Dalka Somali  Gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo waxaana uu Ugu baaqay in Dalka laga Macnuuco Mooshinka waalay dalka diinta Iyo Dadka .

Darsiga 2aad waxaa galay Sh Axmed Daahie Xasan Aw Xuseen waxana sheekhu Halkudhig uga dhigay Darsigiisa (Ahmiyada uu Leedahay Hagaajinta Qoyska ) Waxaana sheekhu Sooqaatay Nusuus diini ah waxaana sheekhu ku dheeraaday baahida looqabo in maanatay bulshadu hesho qoysas hagaag san maadaama maantay aynu aragno fitanka kusocda Sidii loo Burburin lahaa  Qoyswalba oo islaam ah .

Ugu danbayn sheekhu waxaa uu kadigay dhaqan xumada ku soo badatay  gudaha dalka haday tahay labiska dhalin yarada rag iyo dumar waxana sheekhu sigaar ah uga digay dhalin arada oo ku saamowday dhaqan xumada reer galbeedka .

Nuur Jaamac Aadan Alminhaaj Bosaso

3N8A5314 3N8A5313 3N8A5312 3N8A5309 3N8A5308 3N8A5301 3N8A5303 3N8A5307 3N8A5296 3N8A5295 3N8A5294 3N8A5293 3N8A5287 3N8A5289 3N8A5291 3N8A5292 3N8A5286 3N8A5285 3N8A5284 3N8A5281 3N8A5280 3N8A5269 3N8A5274 3N8A5275 3N8A5276 3N8A5279 3N8A5260 3N8A5261 3N8A5262 3N8A5265 3N8A5263 3N8A5259 3N8A5258 3N8A5257