Nairobi maanta oo jimcah ah masjidka al hidaay ee magaalada nairobi khudbada jimcaha oo aheeyd mid aad u qiima badan ayaa waxaa kasoo jeediyay sheekh maxamuud maxamed shibli khudbada maanta ayaa dawa socotay dhoorka jimcood een ka soo gudbnay, sheekh maxamuud maxamed shibli xafidahullaah ayaa dhoorka qaybood uu kaga soo hadlay waxay khudbadisa ku saabsaneed xanta iyo isku dirka iyo afxumada maanta oo jimcaha ayu sheekha markale wuxuu kaga hadlay Afxumada iyo nasab durida sheekh ayaa aad ugu soo sheekeey si ay u ilaalisay sharafka ama nasabka qofka muslimka iyo sida maanta loo fududeystay in la duro ama wax laga sheego nasabka dadka musliminta iyo inaysan ku wanaagsaneen diinteyna sharafta badan iyo sida alle swc inagu galadeystay diinta islaamka wax yaabaha ugu waa ween ay ilaalisay diinteynu ayna kow tahay nasabka iyo cirdiga qofka muslinka
sheekh maxamuud maxmaed shibli ayaa tilmaamay inaysan kamid aheen sunada Rasuulkeyna CSW in nasabka la caayo wuxuuna ku tilmaamay inaysan ka kamid aheen dhaqanka islaamka hadii muslimka la duraana qofkii sidaa ka dhigto dhaqan iyo caado waa qof msulim aan wanaagsaneen oo ku sifeesan muslim qaloocan oo aan wanaagsaneen. sheekha ayaa aad ugu dheeraaday in maanta wax yaabaha caadiga ay ka dhigteen umada muslimka in muslimka la dura ama la xanto ama cirdigiisa wax laga sheego wuxuuna uu ku tilmaamay arinkaasi in laga waantoobo lagana waaniyo umada lagana fogaado dhaqankaasi ma wanagsano sheekh maxamuud maxmaed shibli xafidahulllaah ayaan inoo faah faahiyay khudbada waxayna aheed mid aad u qiima badan ka faaiideysi wacan
alminhaaj.com
maxmaed axmed ismacil
nairobi kenya