Gaalkacyo Xawaaladda Amal Express laanteeda magaalladda Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa wada barnaamij dhiira-gelin ah oo ay ku taageerayso ardayda kaalimaha wanaagsan keena.
Barnaamijkaan oo Amal Express ay fulinayso sanadkii saddexaad ayaa lacaga Waxbarashadda looga bixiyaan ardayda kaalimaha wanaagsan ka keena Dugsiga Sare ee Cumar Samatar.
Maamulka Xawaaladda Amal Express ayaa sanadkaana balan qaaday iney kharashka waxbarashada ay ka bixinayaan 20-ka arday ee kaalimaha wanaagsan ka keanay Cumar Samatar.
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka deegaanka, dalxiiska iyo duurjjoogta Puntland Cali C/llaahi Warsame, Maamulka Amal, Maamulka Cumar Samatar, Waalidiin iyo arday.
Maamulka Amal Express ee magaalladda Gaalkacyo, C/shakiir Qureex ayaa sheegay iney ka qayb qaataan hormarinta adeegyadda bulshadda, sida Waxbarashadda, Caafimaadka iyo Ganacsiga.
Halkaan ka dhageyso:-
Audio Player
Wasiirka Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland, Cali C/llaahi Warsame ayaa Maamulka Amal Express ku amaanay, sida wadaniyada leh ee ay u dhiira-gelinayaan Ardayda.
Halkaan ka dhageyso:-
Audio Player
20-ka arday ee sanadkaan kharashka Waxbarashadda laga bixinayo iyo waalidkooda ayaa u mahadceliyay Maamulka Amal Express.
Halkaan ka daawo sawirro:-