+252 90 7798232 [email protected]

 

Maalinnimadii Sabtida ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 14/06/2014 waxaa si rasmi ah u furmay imtixaanka ardeyda machadka Khadiija Bintu Khuwaylad ka qalinjabin doonta.

 

Machadka Khadiija Bintu Khuwaylad ayaa ah machad lagu barto culuumta diiniga ah, machadku waxa uu soo jiray in muddo ah ku dhawaad 8 sano.

 

Imtixaankan waxa u fariistay ardey iskugu jirta wiilal iyo gabdho, tiradooduna ay yihiin ku dhawaad kontameeyo (50), ardeydaas waxaa la rajaynayaa inay noqdaan dufcaddii shanaad ee ka qalinjabisa machadka Khadiija Bintu Khuwaylad, imtixaankan ayaa socon doona haddu alle idmo muddo toban maalmood ah (10).

 

Imtixaankan waxa uu ka bilowday xarunta wayn ee machadka Khadiija Bintu Khuwaylad kuna taalla bartamaha magaalada Garowe gaar ahaan agagaarka suuqa Inji.

 

Maamulaha machadka Khadiija ayaa sheegay in uu machadku heeggan u yahay xilli kasta waxbarista ummadda Soomaaliyeed, waxa kaloo maamuluhu sheegay in uu machadku shaqeeyo saddexda galinba, waxaana machadka wax ka barta bulsho weynta kala duwan ee ku dhaqan magaalada Garowe gudeheeda, machadka khadiija labada galin ee hore waxaa dhigta dumar galinka danbe ee habiinimadana waxaa dhigta rag.

 

Machadka Khadiija ayaa ah machad fac weyn oo soo jiray muddo dheer kana qalinjabsheen dufcado kala duwan oo dhawr ah, dufcaddii ugu danbaysay waxay ka qalinjabisay sannadii 2011-2012, dufcaddan hadda imtixaanku u bilowday ayaa la rajaynayaa inuu u dhamaan doono imtixaankaas maalinnimada Talaadada ah taariikhdu marka ay ku beegantahay 24/06/2014, nasiibna ay u yeelato inay noqoto dufcaddi shanaad ee ka qalinjabisa machadka Khadiija Bintu Khuwaylad.

 

 

 

Mu’asasada al-minhaaj
Garowe
Ibraahiim Cawil Cali.

20140615_083130 20140615_084631 20140615_084250 20140615_084537 20140615_084542 20140615_084626 20140615_084628 20140615_084224 20140615_084153 20140615_083319 20140615_083255 20140615_083143