+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa laga dareemayaa Magaalada Godobjiraan oo katirsan Gobolka Nugaal hour kac baaxad Dhanka barashada Cilmiga shareecada islaamka waxaana  looga bartaa Habka Xalaqaaadka kaas oo ardayga kadhigi karta Waqti dhow in uu noqdo Culimo maadaama uu haysto Fursado  aad u badan kuwas oo sababi karta in uu 24saacqaato in kabadan 5kitaab oo kaladuwan.

Sh Bashiir Cismaan Cali  Oo ku magic dheer Sh Bahirr Baarbacadle  waa sheekha  Mac-hadka Islaam Muxamed ee barashada Cilmiga shareecada Islaamka waana sheekha Deegaanka Degmada Godob Jiraan waxaana kulakulmay goor arorya ah isga iyo xertiisa Xarunta Machadka waxaana Sheekhu Markaas Marinayay Kitaab Fiqi ah .

Mca-hadku waxaa uu leeyahay Qaybo Ardayda loogu diyaariyay Cunto Iyo Hoyaatin waxayna gaarayaan ardayda hada sita tooskaa ugu xiran Xalqaadka lagu barto Shareecada islaamka 20 wiil kuwaas oo u go’ay Barashada Cilmiga.

Idaacda Qur’aanka kariimkaa Alxikma Iyo Radio Halgan.net ayaa  makarafoonka ladhaxmaray ardayda oo u diyaar garoobayay waqtigaas raacashada kutubta waxayna noo xaqiijiyeen in hadafkoodu yahay sidii ay cilmiga ay bartaan umada ugu an fici lahaayeen.

Dhanka kale mar aan qaybtood weydiinay  in ay waqtiyada qaar ay aadaan guryahooda maadaama uu machadku kafogyahay magaalada waxay noo xaqiijiyeen  in ay go’aan ku gaareen inta ay soo baxayaan iyaga oo Culima ah in ay ku sugnaan doonaan Gobtaan.

Lasoco qaybta 2aad oo muuqaal iyo sawiro iskugu jira

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta Alminhaaj

IMG-20160810-WA0010 IMG-20160810-WA0009 IMG_20160803_062522 IMG_20160803_063522 IMG_20160803_063456 IMG_20160803_062945