Subaxnimadii khamiista Bishuna ahayd 3- 11- 2015 ayaa Masjidka weyn ee Al- Rowda ee Boosaaso- qaybtiisa sare lagu qabtay munaasabad kooban oo lagu furayey Barnaamijkii Xalaqaadka Cilmiga aha ee ka soconjiray Masjidka. Madasha Xafladda furitaanka Barnaamijka Xalaqaadka ayaa waxa ka soo qayb galay qaar k amid ah Culimada ugu caansan Soomaaliya , maamulka mu’asasada alminhaaj, culimada bixinaysa duruusta xalaqaadka ,ardayda iyo marti sharaf kale.
Sh.Axmed Yuusuf Daad oo ugu horayntii munasabada ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay , Cabsida Allah iyo in Cilmiga lagu Dhaqmo loona gudbiyo Ummadda inteeda kale,culmadana laga qaado cilmiga lagana faaidaysto inta ay nool yihiin.
Goobta oo ay soo xaadireen arday badan iskuguna jira rag, dumar , arday cusub iyo kiwii horey u dhiganjiray aya wajiyadoo