+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maalmihii  lasoo dhaafay kajiraty degmada Godob Jiraan  biyo la,aan baahsan kadib markii uu  ka cila doobay  ceelbiyood  kajiray Degmada .

Ceelbiyood kaan ayaa ah kuwa ugu waa weyn Gobolka nugaal  waxaana maalin walba kadhaan san jiray in kabadan 21 booyadood kuwaas oo gaar siin jiray xoolalayda ka fog ceelka  waxaana sidoo kale ka cabijiray xoolo lagu qiyaasay 25,000 oo neef  kadib markii dadka kudhaqan baladka iyo baadiyaha ay maqleen  ciladaan ku timid ceelka ayaa sabab tay in lawada dareemo culays aad uweyn  kaas oo saameeyay ilaa heer gobol.

Waxaase  dadku ahaayeen kuwa aamin san qadarta  waxayna ku kalsoo naayeen Eeebihii awalba waraabin jiray .

Sidii dadka dagan deegaan ka Degmada Godob jiraan caadada u ahayd waxaa lasameeyay  roobdoon iyo duco lagu baryayo eebe weyne S.W . Eeebana waa ka aqbalay waxaana dadku heleen roob si wanaagsan loogu diirsaday  oo dad iyo duunyo kacabeen waxaase wali sii socotay dadaalkii loogu jiray  samaynta ceelka .

Qaylo dhaan kadib waxaa Degmada Soo gaaray Koox kasocotay Hayada Biyaha ee Baasaweyn waxayna maan tay ay  ku guulays teen in ay xaliyaan Ciladii ku timid Ceelka wallow ay khubaradii kasocanta Hayada Biyaha ay kadayr  sheen Ceelka iyo mustaqbal kiisa waxayna ku taliyeen in si dagdaga loo helo ceel labaad maadaama uu ceelkaani qodnaa mudo kabdan 35sano isla markaana yahay Mid Duqoobay.

Nuur Jaamac Aadan Degmada Godobjiraan

vlcsnap-2015-04-15-13h00m40s168 vlcsnap-2015-04-15-13h00m36s125 vlcsnap-2015-04-15-13h00m28s39 vlcsnap-2015-04-15-13h00m25s8 vlcsnap-2015-04-15-13h00m19s210 vlcsnap-2015-04-15-13h00m00s15 vlcsnap-2015-04-15-12h59m34s10 vlcsnap-2015-04-15-12h59m04s224 vlcsnap-2015-04-15-12h59m09s19 vlcsnap-2015-04-15-12h59m14s69 vlcsnap-2015-04-15-12h59m20s133 vlcsnap-2015-04-15-12h59m23s160 vlcsnap-2015-04-15-12h59m57s245