Maqaal uu ku qoray Guddomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Dr Adan Sheekhdoon Bartiisa Facebuuga oo ku soo aaday xilli la xiray Guddigii ka shaqaynayay wadada bartamaha magaalada oo ay ku jiraan culumo magac iyo maamuus ku leh bulshada soomaaliyeed ayaa sidaan u qornaa.
Ciilow ba’e talo xumaan cudur ka waynayne
Talada sami waa ta lagu tanaado oo kuu kasabta quluubta dadka. Midda kaa irdhaysa dadku waa mid ba’an aakhirkana kuu keenta in aad tiraahdid anaa dilayoo dalkii ka eryee xaggee dad ugu duggaalaa.
In nidaamka la dhowro waa arrin muhim ah. Car iyo wiri iyo xabsi la isu taxaabaase waa talo marin habowday. Kacaankii waxaa jiray wax la yiraahdo ii hay oo intii la doono qofka la iska hayo. Xabsigii dhexe, Laanta buur, Labaatan jirow iyo kii Mandheera midna laguma xasilin. Muwaaddinku wuxuu xaq u leeyahay inaan xorriyaddiisa laga qaadin, haddii kiis loo haystana isla markaba caddaaladda la horgeeyo.
Hadda Puntland waxaad mooddaa in maamulku xabsiga miciin biday oo weliba gobollada qaar awood loo leeyahay qaarna ay awoodda ka baxsan yihiin.
Ma lihi xarigga ha la baahiyo oo rag iyo haween hor leh ha la soo qabto waxaanse leeyahay kuwa xiranna ha la sii daayo kuwa kalena yaan la soo qaban e qaab kale oo aynu isaga balfinno dibindaabyada dadkana ku raalli gelinno si aan god daloolo la inooga helin aan doonno oo ku dadaallo.
Waxaa xaqiiq ah in talada gurracani cimri gaab keento