+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa saaka abaarii 9:30 culimada nadwada ka waday magaalada garoowe ay booqasho dacwadeed ugu tageen golaha  wasiirrada dawladda punt land halkaasoo ku soo dhoweeyey madaxwayna ku xigeenka pl C/xakiin Cumar Camay, bogaadin iyo salaan iyo mahadnaq  ka gadaal waxa uu ku soo dhoweeyey Sheekh C/naasi Xaaji axmed, isga oo uu uga danbeeyey sheikh Fu,aad Maxamuud Xaajinuur, kelmadaa wasiirada iyo madaxda Puntlaan loo jeediyey waxa ay taabanaysay qodobadaan

1-    Culiamadu waxa ay uga mahad celiyeen madaxwaynu ku xigeenaka iyo wasiirada soo dhowaynta iyo sida ay u qadarinayaan culimada uguna heelan yihiin inay dhegaystaan nasiixadooda

2-    In ay mas,uuliyiintu ilaahay uga baqaan mas,uuliyada ay u hayaan ummadda, dhawraana xududa alle, islamarkaana u turaan shacabka  ay mas,uuliyiinta u yihiin ee xilka u  igmaday

3-    Inay mas,uul  ka  yihiin in  ay shacabka u ilaaliyaan diinkooda iyo dunidoodaba,  waxayna culimadu  aad ugu dheeraadeen in aysan ilaahay col la noqon isla markaana ay ilaahay u hiiliyaan kana fogaadaan wax walba oo cara ilaah keeni kara,islamarkaana mashaaikhdu waxay aad u cadeeyeen in dawladu ay aad xil isga saarto dhawrida diinka waxa ayna ugu baaqeen in dawladu xeerar iyo hanaan ka yeelato qofka  caaya muqadasaadka umada sida ilaahay, diinta  , rasuulka

4-    Waxay culimadu ku waaniyeen mas,uuliyiinta xasuusiyeenna inay ku dhaqmaan dawlad wanaag, kana fogaadaan musuqmaasuqa ogaadaanna in la isla xisaabtami doono maalin danbe ee aanu qofku alle ka baxasan Karin.

5-    Culimadu waxay ku dheeraadeen in dawladu ay xil iska saarto shaqaalaha rayidka iyo kan ciidanka ahba oo ay ku dadaasho sidii ay u heli lahayeen xuuquqdooda mushahar bil walaba si uu si habsami leh u guto hawsha iyo waajibaadka loo egmaday

6-    Waxay culimadu ku waaniyeen mas,uuliyiinta in ay si degdega u dhexgalaan waxna uga qabtaan beelaha walalaha ah ee ku  dagaalamaya degaanno ka mid ah degaanka karkaar,  kuna tirtirsiiyeen inay dhexdhigaan ciidan, si wax looga qabto dadka tirada yar ee hurinaya colaadda labada beelood ee walaalah ah

7-    Waxa kale ee culimadu ku waaniyeen masuuliyiinta in ay ka shaqeeyaan midnimada soomaaliyeed, iyo walalaynta umada somaaliyeed

8-    Ugu danbayntii culimadu waxay ugu duceeyeen mas,uuliyiinta in ilaah  waafajiyo sida uu raaliga ka yahay, kana ilaaliyo wixii uu ka carooonayo, ilaahna uu u fududeeyo dhawrida iyo u turida bulshada ay mas,uulka ka  yihiin

Culimadii goob jooga ahayd :

1-    Sh / C/naasir Xaaji Axmed

2-    Sh. Maxamud Xaaji Yuusuf

3-    Sh Xasan Maxamed Muuse   ( bookh )

4-    Sh. Fu,aad Maxamuud Xaaji nuur

5-    Sh. Axmed Cabdi samad

6-    Sh . Xasan Maxamed Ibaraahim

7-    Sh . C/qani Qorane

8-    Sh.  Maxamed C/laahi C/lle

9-    Sh. Cismaan Maxamud Xaaji dirir

10-           Sh. Yaasiin C/laahi Axmed

Nuur Jaamac Aadan

Xafiska Warbaahinta Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland 

[email protected]

GOLAHA-WASIIRADA[1] IMG-20141218-WA0009 IMG-20141218-WA0011