Degmada Eyl oo ah Degmo taariikhi ah islamarkaana ah Degmo facwayn waxaa socdaal taariikhi ah kutagay Culimo badan waxaana Hogaaminayay Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana ku weheliyay Sh Axmed Daahir Xasan/ Sh Maxamed Goane Xoosh Iyo Culimo Kaloo badan .
Maamulka Degmada Iyo Shacabka Degmada Eyl ayaan ukala harin Soo dhawayntaan waxaana looga horyimid Wafdiga Culimada Duleedka Degmada Eyl .[nggallery id=69]
Ugu Horaynba Culimadu waxay Lakulantay Maamulka Degmada waxayna uga warbixisay Ujeedka Safarkooda Waxaana Qorshaha Culimada Sitoos ah ula wareegay Maamulka degmada Iyo Culimada Eyl oo Qorsheeyay Sidii Culimada Looga Faaiidaysan lahaa.
Culimadu waxaay Muxaadaro Kajeedsheen Masjidka Weyn ee jaamacaa iyagoo uga jawaabay dadweynaha Su’aalo Diini ah waxaana Culimadu Kaqayb galeen Xafladda Akaadimiyada Barashada Luuqada Iyo Shareecada Islaamka Ee Eyl Sidoo kale waxaa Culimadu Kulamo Laqaateen Bulshada Qaybaheeda kaladuwan Sida Haweenka /Ducaada Degmada /Golaha Deegaanka /Ganacsatada /Iyo Macaliimta Waxbarashada .
Ugu Danbayn Waxaa Culimadu Ugudubtay Baday Oo Katirsan Degmada Eyl waxaana Culimadu Kajeedsheen Muxaadaraat Kaladuwan Iyagoo Ugu Danbayntiina Soomaray Tuulada Qarxis Iagoo saaladii Jumcaha Muxaadaraat kajeedshay Masjidka Bulshadana guud ahaan ladardaarmay.
Nuur Jaamac Aadan Halgan.net Garowe