Tababarkaan Ayaa kabilowday Masjidka Al-Huda Garowe Waxaana Bixinayay Culimada Wax kabarata Machadka Sare Ee Soosaara Ducaada Oo Ku yaal Magaalada Hargaysa Kuwaas Oo Fasax Kujooga Garowe Ayaa Umada walaalahooda Mudada ay joogaan garowe Iyo Meelaha lamida waxay balan ku qaadeen in ay bulshada gaarsiin doonaan waxay soo barteen oo khayr ah .[nggallery id=14]
Furitaanka Xaflada waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin Dowlada Puntland horay Xilal Uga soo qabtay Iyo Kuwa Hada Ka ah Masuuliyiin / Culima Awdiin/ Isimo Iyo Maamulka Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal .
Dhamaan Mas’uuliyiintii Kahadlay Xaflada ayaa uga mahad celiyay Culimada isku howshay in ay bulshada gaar siiyaan Khayrkii ay soo barteen .
Mu’asasada Alminhaaj Nugaal gaar ahaan Xafiiska Tacliinta oo isagu Sooqaban qaabiyay Tababarkaan ayaa Uga mahad Celiyay Dhamaan Kasoo qayb galayaasha Xafladda Iyo Macalimiinta Bixin Doona Tabaarkaan
Ugu Danbayn Sh Mukhtaar Oo Ah Gudoomiyahay Golaha Fulinta ayaa Balan qaaday in Minhaaj ay siiwadi Doonta Tababara Cayn kaan oo kale ah iyo in bulshada looga faa iideeyo Cidkasta oo khayr u sheegaysa .
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj Puntland