+252 90 7798232 [email protected]

vlcsnap-2014-12-17-20h12m39s58

Garoowe:-Culumo’diinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Garoowe iyo magaalooyinka kale ee deegaanada Puntland ayaa waxaa shalay waxaa ay uga hadleen khudbooyinkii Jimcaha aflagaada foosha xun ee uu wargeyska Charlie Hebdo u geystay Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

Culumo’diinka Soomaaliyeed  ayaa waxaa ay dadweynaha u sheegeen in arrinka uu ku kacay wargeyska Charlie Hebdo aysan ahayn wax cusub oo Yahuuda iyo gaalada kale ay sidaas iyo si la mid ah u caayi jireen Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee  iyo anbiyadii kale ee Alle u soo diray.

Culumo’diinka Soomaaliyeed  ayaa xusay in dhaqan xumada ay la soo baxeen saxaafadda reer Galbeedka ay ku tarjumayso nacaybka ay u qabaan  Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee  iyo weliba diinta Islaamka ayna beenowday wax ay ugu yeeraan Ixtiraamka diinaha ama Muqadasaadka.

Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo salaaddii Jimcaha ka dib la hadlay dadweynihii soo xaadiray Khudbada in wax laga xumaado ay tahay in saxaafadda reer Galbeedka ay gaf intaas le’eg u geystaan  Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee  balse alle uu ka kaafiyey Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee  aflagaada Yahuuda iyo Gaaladda  oo waxba aysan u dhimi karin sharaftiisa allena ka ilaaliyey xumaan tooda.

Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf  ayaa xusay in dadka muslimiinta  ay  Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee  loogu gargaari karo in sunadiisa iyo dariiqiisa la raaco lana nooleeyo isagoo ku booriyey dadweynihii dhagaystay khudbda in Alle laga baqo oo la barto shareecadda Islaamka akhlaaq wanaagsana lala yimaado.

Hoos ka Daawo Tacliiqii khudbadii Jimce ee Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf  uu jeediyey

Dhinac kale Sh C/raxmaan Macalim Ibraahiim (Bindiiriye ) , Sheekh Cabdi Qani Qorane , Sh Axmed Cabdisamad ayaa sidoo kale khudbooyin ay ka jeediyeen Masaajidda ku yaal magaalada Garoowe uga hadlay aflagaadhada loo gaystay Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee .

Hoos ka Daawo khudbadii Jimce ee uu jeediyey Sh.Cabdi Qani Qorane

Nuur Jaamac
Garoowe alminhaaj.com