Culumaa’udiinta Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inaan laga tagi karin Gudniinka,kana digay kan Fircooniga ah,ka dib kulan ay la qaatean qaybaha Bulshada ku dhaqan magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.
Kulanka ayaa waxa ka qayb galay maamulka degmada Bosaso,Culumaa’udiin,ururada Bulshada rayidka ah iyo Guddoomiyaasha xaafadaha Bosaso.
Sheekh Cabdiraxman Awciise oo Daah-furay kulanka ayaa shegay in Ujeedada kulanka ay tahay in Bulshada Soomaaliyeed la fahansiiyo Gudniinka iyo waxa ay ka qabto Diinteena Suubaan,wxaana uu xusay in dhaqanka wannaagsan uu Qalbiga ka yimaado.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa Culumada ka hadashay kulanka ayaa sheegay inuusan qarsoonayn Mawqifdka Shareecada Islaamku ay ka qabto Gudniinka.
”Hal Kitaab oo ka mid ah Kutubada Fiqiga oo afarta Madhabadood iyo raga kale ee Culumada ah ee Fiqiga wax ka qoray,Kitaabtaasi waa laga helayaa Gudniinka Gabdhaha iyo Wiilasha isagoo ka hadlaya,Nabi Maxamed SCW Axaadiis dhowra ayaa ka sugnaatay oo Gudniinta ishaaraya ama waqtigii Nabiga ga SCW is la is gudi jiray daliil u ah”Ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray”Madhabu Shaafici,Madhabu Abuu xaniifa,Madhabu Imaam Axmed Binu Xambal,Madhabka Imaamu Maalik,waxay isku raacsan yihiin Gudniinka Gabdha la gudaa inuu shay Diina yahay,Culumada qaarkood waa waajib ayay yirahdeen,Gudniinku kan Gbdhaha ha noqdo ama kan wiilasha”.
Sheekh Daahir Aw-cabdi oo faahfaahin ka bixiyay ujeedada laga leeyahay Gudniinka ayaa yiri”Dhakhaatiirta waxay cadeeyeen raga Gudistiisa danta laga leeyahay waxaa weeye in xubinta Taranka Afkisa hore inuusan qashinku ku ururin,
Sheekh fu,aad maxamuud xaaji nuur oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa waxa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo hay,adaha reer galbeedku gudniinka , isagoo cadeeyay in ay aad uqabaan in gudniinka la sameeyo , isagoo soo bandhigay qaar ka mid ah dhaqaatiirtooda faa,iidooyinkay gudniinka ku sheegeen.
Duqa demada Bosaso Xassan Cabdala Xassan oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in maamulka degmada Bosaso ay soo dhowaynayaan hawsha muhiimka ah ee Culumadu u hayaan Bulshada.
”Waan soo dhowynaynaa,waxaan kuso dhowaynaynaa inay umada u sharxan oo ay baraan wixii Cilmi ah oo nilosha ku xiran ee loo baahan yahay in Bulshada la fahansiiyo iyo wixii Aakhiro khuseeya ay Culumadu dadka baraan”Ayuu yiri.
Wadama reer Galbeedka ayaa ku hawlan sidii guud ahaan Soomaaliya looga joojin lahaa Gudniinka,arrintaasi oo Culumada Soomaaliyeed ay ka digeen.
Kulanka ayaa qayb ka ah Nadwo Diimeed ka socota Masjidu rawda ee magaalada Bosaso oo ay soo qabanqaabiyeen Mu’asasada Minhaaj oo ka shaqaysa Fidinta Diintena Suubaan ee Islaamka. Hooska dhagayso