Waxaa habeenkii 4-aad kasocota Masjidka AL-Huda Magaalada Garowe Nadwadii 8-aad Oo sanadkaan Halkudhigeedu yahay (من دار الغرور الى دار القرار) waxaana kasoo qayb galay Culimo caan ka ah Guud ahaan Dhulka Soomaalidu Degto waxayna Culimadu guud ahaan bulshada Sawir Cad kasiiyeen Nolasha aduunka ee kadada ah iyo Nolasha Aakhiro ee lagu waarayo Dhaman Muxaadaraat kaan oo aad looga hadal hayo Guud ahaan deegaana Puntland Gaar ahaan Garowe .
Waxaana caawa darsi Dhaxal gal ah soojeed shay Sh,Dr Faysal Maxamed Cali waxaana Sheekhu qaadaadhigay Halkudhigii (نفخ الصور والبعث من القبور ) oo ah Muxaadarada Uu Sheekhu Kuqornaa Waxaana Sheekhu Kahadlay Sida Aduunkaa Loo afuufi doono iyo malaaikta Shaqadaan Qaban Doonta waxaana Sheekhu raaciyay Marka aduunka la afuufo iyo In Laga soo saari doono qubuurha wixii kujiray oo dhan intaas kadibna lahortagi doono Eebe weyne Hortiis .
Sheekha oo darsigiisa laga dheehan karay Diyaarin Heer sare ah Dhan walba marka laka Eego Darsiga Sheekha Kasokoow Muxaadaradaan Oo caalamkoo dhan laga dhagaysanayay waxaa lagala socday Idaacadda Qur’aanka Kariimkaa Al-Xikma oo Iyadu Gaarsiisay In Kabadan 4gobol oo kamid ah Gobolada Puntland Iyo Goboladda Dhexe Ee Dalka Waxaana markuu soo gaba gaboobay darsigii Sheekha Lagalay Qaybtii Su’aalaha.
Waxaana caawa ka jawaabay Su’aalo aad muhiim ugu ah bulshadii sooqortay iyo kuwii dhagaystayba Sh.Daahir Aw Cabdi Iyo Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf labada sheekh ayaa waxay kajawaabeen in kabadan 15 Su’aalood waxaana Masjidka Soo buuxdhaafshay boqolaal dad weyne ah kuwaas oo aad uga faa iidaystay Muxaadaradii Dr Faysal Iyo Jawaabihii Culimadda ,
Dhamaan Hooska Daawo:
Nuur Jaamac Aadan Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland