+252 90 7798232 [email protected]

Muxaadaraatkaa oo kabaxay masjidka Wayn Ee Al-Rowda bosaso ayaa galay habeenkii 3xaad waxaana qaatay darsiga Sh Dr Xasan Sh Cali Warsame Waxaana sheekhu Qaadaadhigay Dowrka ay kuleedahay warbaahintu badbaadada umada hadii loo adeegsado siwaafaqsan Kitaabka ALLAH Iyo hadii aan loo adeegsan dhanka wanagsan cawaaqib Xumada kadhalan karta .

Sheekha ayaa sooqaatay dhacdooyin mudooyinkii ugu danbeeyay kadhcayay duni kuwaas oo markay sikhaldan u isticmaaleen waxbadan kharibay iyo kuwa khayrka u adeegsaday oo xaqiijiyay guulo waawayn waxaana sheekhu bogaadiyay cidwalba oo warbaahinta u isticmaalay dhanka wanaagsan waxaana uu kutilmaamay in ay dowr wayn kaqaaten fidinta Diinta Allah .

Ugu danabayntii sheekha ayaa ugu baaqay guud ahaan warbaahinta iyo Cida gacanta ku haysa in ay allah uga baqaan waxay qorayaan iyo waxay duubayan oo aan aakhiro looqabsan waxay maantay yaraysteen balse ay dhicikarto in aay ku mutaystaan Naar .

Intaaskadib waxaan Su’aalaha dadwaynaha kajawaabay Sh .C/nasir /Sh Daahir Iyo Sh Maxamed Cusmaan Calasow waxaana dadwaynuhu si mugleh uga bogteen Jawaabah Culimada .

Dhamaan Muuqaalada kadaawo www.Halgan.net iyo Www.Alminhaaj.com

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj