Kulan cilmiyeed kaan ayaa kabilowda Caawa oo Taariikh dutahay 03/03/2015 Masjidka weyn ee Al-Huda Magaaladda Garowe waxaana lagu wadaa in uu socdo mudo 3habeen ah mudadaas Kabon waxaa culimadu bixin doonan duruus muhiim U,ah bulshada waqtigaaan.
waxaana caawa habeen kii 1Aad kagalay labada sheekh eek ala ah Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf & ShC/qani qorane Waxaana qaybta hore galay Sh.Maxamuud Oo soo jeedshay Darsi uu ciwaan ugadhagay . ( فقه الخلاف واصلاح ذ١ت البين) waxaana Sheekhu aad ugu dheeraaday baahida bulshadeenu uqabto in ay barato sida looga hortago khilaafka iyo sida haduu dhaco loo xaliyo .
Sheekha oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri waa in soomaalidu ka tanaa sushaa aqliga ah hadaan isqabano waan kalatagaynaa ama muxuu iiga gar helay taas oo sheekhu sheegay in ay tahay waxa soomaalida halkaas dhigay .
Waxaana sheekhu balshada ugu baaqay in lagu midoobo kitaabka Allah Iyo Zunada
islamarkaana qofkii dhib kaga timaado wallalkiis udulqaato islamarkaana iska cafiyo hadii taas lahelo waxaynu gaaraynaa horumar aduun iyo mid aakhiro sheekha oo hadalkiisu umuuqday Dardaaran guud ayaa ahaa mid soo jiitay boqolaal dadweyna ah oo kusugnaa Masjidka Iyo kuwa kala socday Idaa cada Al-Xikmad Dhamaan Deegaanada Puntland sidoo kale waxaa caalamkoo dhan lagadhagaysanayay www.Halgan.net Qaybtiisa Tooska utabisa Khayrka.
Waxaa darsiga qaybtiisa danbe galay Sh.C/qani Qorane waxaana sheekhu aad u kaladhigay Mowduuca Ciwaankiisu yahay (الغلو في الدين) mowduucaan oo ahaa mid saamayan weyn kuleh maantay guud ahaan caalamka islaamka gaar ahaan umada soomaaliyeed maa daama ay badatay in qofwalba qofkuu rabo sifudud u gaalay siiyo waxaana sheekhu tusaale usoo qaatay Daacish iyo Alshabaab oo dhamaan bahwadaag la,ah Alqaacida waxaana uu kutilmaamay in ay yihiin kuwa xadgudbay waxaa sidoo kale sheekhu tusaale u soo qaatay ninka waalan ee Xasaan Xuseen oo isagu jeebka ay ugu jirto gaalaysiinta bulshada soomaaliyeed Cilimo iyo caamo waxaana uu sheekhu ku til maamay nasiibdaro in arinkaan oo ah mid aad u adag islamrkaana Awoodiisu Eebe kaliya uu leeyahay Sifudud loo adeeg sado.
Isku soo wada duuboo mudada 3habeen ah waxaa kaqay qaanaya Qaybo kamid ah Culimada Soomaaliyeed Waxaana kamid ah Culimada kaqayb galaysa.
- Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf
- Sh.Axmed Cabbdi Samad
- Sh.C/qani Qorane
- Sh.Mukhtaar Axmed Faarx
- Sh.C/rizaaq Suldaan (Dahabi)
Waxana habeen danbe loo balan san yahay Darsiga labad Iyo Labada Sheekh Sh.Mukhtaar Axmed iyo Sh.Cabdirizaq dahabi.
Daawo Darsigii Sh.C/qani Qorane .(الغلو في الدين)
Dhaawo Darsigii Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf . ( فقه الخلاف واصلاح ذ١ت البين)
Nuur Jaamac Aadan Xafiska warbaahinta Al-Minhaaj Puntland.
Email: [email protected]
Tell: +252907723014