+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa dabaqa sare ee masjidka Al-Huda Garowe laguqabtay xaflad siwanaagsan loo soo agaasimay  xafladaan oo ahayd mid lagu shaacinayay Ardaydii ka gashay kaalimaha hore Imtixaankii Mac-hadka Khadiija Ee Magaaladda Garowe.

Xafladaan waxaa kasoo qaybgalay Xubno Kasocday Wasaaradda Waxbarasha Dowladda Puntland/ Culima Awdiin / Waaridiin /Mu’asasada Al-Minhaaj/ Iyo Marti Sharaf badan.

Ugu Horaynba waxaa xaflada kawarmay Gudoomiyaha Machadka Sh.Mukhtaar Axmed Faarax waxaana uu warbixin dheer kabixiyay Taariikhda Machadka Iyo Kaalinta Qimaha Badan Ee uu kagajiro waxbarashada Gobolka .

Dhankale Waxaa isna dardaaran Iyo Dhiirigalin usoo jeediyay ardayda mahcadka khadiija Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Sheekha Gobolka Nugaal waxaana uu u dardaarmay ardayda in ay Umada Gaarsiiyaay Waxaybarteen Islamrkaana ay siiwataan Barashada Culuumta Shareecada Islaamka.

Waxaana Dhamaan Martidii  Xaflada Kahadlay ay qireen Kaalinta Muga Leh ee Machadku Kagajiro Waxbarashada Guud ee gobolka gaar ahaan Barashada Shareecada Islaamka.

Ugudanbayntii waxaa Xaflada Soo Xiray Madaxa Kormeerka Waxbarashada Gobolka Nugaal Cumar Guureeye Maxamed isagoo amaanay Mac-hadka Khadiija Iyo Ardaydii Kuguulaysatay Kaalimaha Hore Ee Tartanka waxaana uu aradydii Gashay Kaalimaha Hore U qaybiyay Abaalmarimo kaladuwan oo lasiiyay Ardaydii Gashay Imtixaanka Kaalimaha 1-aad Iyo 2-aad waxaana ardaydii kaalimahaas kuguulaystay wajiyadooda laga dheehan karay farxad heersara ah.

Nuur Jaamac Aadam

3 5 9 6 7 9 21