Waxaa maantay hoolka jaamacada bariga afrika lagu qabtay Xaflad siwanaagsan loo soo agaasimay xafladaan oo lagu soo bandhigayay waxqabadkii golaha fulinta Mu,asasada Al-Minhaaj Faracee Gobolka Nugaal Mudadii halka sano ahayd ee ay Xilka hayeen.
Waxaa xaflada kasoo qayb galay Mas’uuliyiin kaladuwan waxaana kamid ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland/Wasiiro / Maamulka guud ee Mu’asasada Al-Minhaaj/Isimada dhaqanka /Culima Awdiin/Golaha Wadatashiga Al Minhaaj Garowe/Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Iyo Duqa Magalada Garowe.
Waxaana goobta lagu soo bandhigay Muuqaal katarjumaya waxqabadkii Sanadkii 2014/2015 Ee Mu’asasadu Kutilaabsatay Muuqaalkaan oo ahaa mid soo jiitay dhamaan marti sharaftii kasoo qaybgashay Xafladda .
Dhamaan mas’uuliyiintii kahadashay Xaflada ayaa amaanay waxqabadka Ay muujiyeen Maamulkii hogaanka soo hayay Mudadii Halka sano ahayd waxaana Gudoomiyaha Golaha Shuurada Sh C/Naasir Guureeye Gaarshe uu bulshada u xaqiijiyay in golaha fulinta ay qabteen shaqadaas iyo Mid kasiibadan waxaana uu ku dhawaaqay kadibmarkay arkeen howlaha qiimiga badan Ee ay gaartay Al-Minhaaj Nugaal ay dhankooda kawada tashi ahaan go’aan sadeen in Mudo Halsano ah Xilka loo gordhiyo Maamulkii hore Ee golaha Fulinta .
Gudoomiyaha guud ee Al-Minhaaj Ayaa isna dhankiisa amaanay waxqabadkii Ay Ku Tilaabsatay Al-Minhaaj Nugaal waxaana uu shahaado sharaf gudoon siiyay labada gole kadib waxaa uu,u balan qaaday in ay sanadka soosocda Soo xajisiin Doonaan Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Garowe
Ugu danbayntii waxaa Xaflada Sooxiray Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire waxaana uu dhankiisa amaanay shaqadii iyo sidii wanaagsanayd ee ay bulshada Ugu soo khidmaysay Al-Minhaaj dowrkaas oo ah mid aan la inkiri Karin waxaana uu Bulshada guud ahaan ugu baaqay in lagarab istaago islamarkaana lalashaqeeyo Mu’asasada AlMinhaaj ,
Hooska Daawo Qayb kamid ah waxqabadkii Al-Minhaaj Ay soo Bandhigeen .