Waxaa caawa oo Taariikhdu kubeegan tahay/04/03/2015 lagu soo afmeeray kulan cilmiyeedkii kasocday masjidka Al-Huda Magaaladda Garowe kulankaan oo socday mudo sadax habeen ah waxaana mudadii uusocday waxaa kaqaybgalay culimo caan ka ah Soomaaliya kuwaas oo bulshada kahaqabtiray cilmi ay ubaahnaayeen.
Caawa oo ah habeenkii sadaxaad waxaa muxaadaro qayim ah soo jeedsay Sh.Axmed Cabdi Samad waxaana sheekhu Ciwaan uga dhigay darsigiisa Xadiith ki rasuulka SCW Ee ahaa (بَشِّرُوا وَلَا تُنَفِّرُوا)In dadka loo bishaareeyo ee aan ladidin ama diinka lagu dirin waxaan asheekhu aad ugu dheeraaday baahida looqabo waqtigaan in dadka loo sharaxo diinta looguna yeero lagana hortago fikirada qaloocan.
Waxaana sheekhu intaas kudaray in dadka diinta suuraxumaynaya ay iskugu jiraan kuwa islaam sheeganya iyo codow guud oo isagu waligiis duulaanku ahaa sidii uu islaamka iyo dakiisa u muuqaal xumayn lahaa .
Intaas kadib waxaa kahadlay Gabagabada Kulancilmiyeedka Culimo Awdiin Qaybo kamid ah odaayasha Dhaqanka waxayna siwada jir ah usoo dhaweeyeen fursadaan .
Waxaana xaflada soo xiray Gudoomiyaha Golaha fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax .Waxaana uu mahadcelin usoo jeedshay culimadii duruusta kabixiyay masjidka iyo dad weynihii kasoo qaybgalay waxaana uu cadeeyay ulajeedada dhabtaa ee mu’asasadu Kaleedahay Kulamadaan in ay uqabato bulshada ay tahay in dadku bartaan diintooda kana tiktoonaadaan wax walba oo cadow ku ah .
Hooska daawo
Nuur Jaamac Aadan.
Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland.