+252 90 7798232 [email protected]

Culimo’udiinka ku nool deegaanada Puntland ayaa ka digay wax loogu yeeray  tartan kubadda kolayga oo ka furmaya galabta Garoowe loona qabanayo gabadhaha Soomaaliyeed oo ka kala imaanaya  maamul goboleedyada ee ka jira Soomaaliya. Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo ka mid ah culimaa’udiinka Puntland ayaa si kulul uga digay tartankaasi, isagoona xusay in qof haweenay ah ay iska safarto una safarto safar macsi ah iyadoo qaawana ay jirkeeda fiirsadaan niman ka ah ajnabi.

Dhinac kale Culumada Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay saaka magaalada Garoowe ee  ayaa si adag u cambaareeyey dilalka qorshaysan oo amniyaadka Al-shabaab ay maalmihii danbe ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ayna ku dileen Agaasimihii madaxdooyada Boosaaso iyo Taliye ku xigeenkii 3aad ee Booliska Puntland.

Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dilalka ay Al-shabaab la beegsanayaan dadka Haldoorka u ah bulshada ama qof kasta oo muslim ah ay tahay xaaraan siddii ay horay u cadeeyeen culimadii Soomaaliyeed oo ay qaarkood ay dileen ururka Al-shabaab ayna ugu horeeyaan Sh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo Dr Axmed Xaaji Abdirahmaan Allaha u naxariistee.

Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf  ayaa ugu baaqay dhalinyarada in ay ka toobad keenaan dilala ay la beegsanayaa dadka Muslinka ah inta ay hadda nool yihiin isagoo Sheekhu sheegay in dadka dhainyarada u soo diraya in ay wax dilaan aysan waxba u tari doonin maalinta Alle la hor istaagayo qof walbana camalkiisa la soo hor dhigayo.