Carmo oo la aasaasay sanadkii 1993dii ayaa kamid ah magaalooyinka sida xawliga ah u koraya, magaalada oo ku taal laamiga dheer ayaa u jirta magaalada Boosaaso 100km. inkastoo mudadii la aasaasay ay dhawayd hadana waxay leedahay dhamaan adeegyada daruuriga ah sida waxbarashada, caafimaadka, korontada, biyaha iyo waliba dhaqdhaqaaq ganacsi oo xawli u koraya.
Waxaa xusid mudan inay ku taal magaalada akaadeemiyada Booliska Soomaaliyeed oo lagu carbiyo saraakiisha booliska iyo guud ahaan hawlaha la xariira tababarada ciidamada, waana mida magaalada u soo jiiday inay booqdaan madaxda ugu saraysa dalka heer federal iyo heer puntland-ba.
waxyaalaha bilicda magaalada kordhiyey waxaa kamid ah ayadoo markii la dagayey loo sameeyey qorshe deegaamayn(town plan) oo aad looga taxadaray, ayadoo waliba loo baneeyey danta guud dhul aad u balaaran oo in badan sidii loo qorsheeyey looga faaiidaystay, walina qaybo dhulkaas kamid ihi u banaan yihiin danta guud, waana magaalada kaliya ogaantay oo xataa dhisatay musallaha Salaada ciidda.
Waxaa kaloo ka qayb qaatay koritaanka magaaladaan ayadoo xiliga kulaylaha dad badani usoo xagaa baxaan, qaar badan oo dadkaas kamid ahina waxaa halkaa uga dhisan guryo ay ugu talo galaan inay dagaan xiliga xagaa baxa, inkastoo bulshada rasmiga u dagana ay aad u faro badan tahay.
Magaaladu waxay leedahay goobo waxbarasho oo ilaa dugsi sare ah, waxaa kaloo ku yaal goobo caafimaad oo wax ku ool ah oo qaarkood laga soo aado soomaaliyoo dhan, waxaa kaloo ku xoog badan dhaqdhaqaaqa faafinta diinta islaamka oo ay ku yaalaan magaalada xarumo dacwo oo muhiim ah sida: masaajid waawayn oo xalaaqaat ka socdaan, dugsi quraano, iskuulo islaami ah, macaahid, xarumo dumarka dacwadooda u khaas ah IWM.