Waxaa Maanatay Magaaladda Garowe Ee Caasimadda Puntland looga Ciiday Siwanaagsan iyadoo dadweynaha Garowe Wajiyadooda laga dheehan karay Farxad Iyo Raynrayn Ku aadan Ciidul Adxaa waxaana jawiga guud ee caasimada maantay uu ahaa mid Dagan .
Dhanka kale waxaa Culimadu khudbadihii salaada ay kaga hadleen baaq nabadeed oo ay udireen beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhaxmaray Qorilay iyo Jalam .
Waxaa sidoo kale Idaacadda Alxikma Ay xiriir lasamaysay Caalimka soomaaliyeed Sh Maxamed Cabdi Umal oo isna dhan kiisa diray Fariin Nabadeed isla markaana U hanbalyeeyay Umadda Islaamka Guud ahaan Gaar ahaan Soomaalida:
Idaacada Al-Xikma Waxay Xiriir lasamaysay Sh Maxamed Macalim Axmed Oo isna dhan kiisa Diray fariin nabadeed :
Hooska Dhagayso:
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska warbaahinta Alminhaaj Puntland