+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa caawa oo taariikh du kubeegan tahay 05/04/2015  Xafiiska Idaacadda AlXikma Iyo warqabadka Halgan.net  Ee Garowe Soo booqday Culimo kasocota Raabidatul wafaa (رابطه االوفا) Culimadaan oo idaacada AlXikma ku maqtiqaaday in ay Culimadaani ay ku yeelato  muxaadaraat joogta ah  waxay na galeen caawa Muxaadaradii 1Aad waxaana Ciwaankeedu ahaa (الاخلاق)

Waaxaana  soo jeedshay muxaadarada qaybteedii hore Sh. Faarax Cabdi Maxamed sheekha ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay qofku in uu yeesho Akhlaaq wanaagsan  sheekha aya asoo qaatay Nusuus kahadlaysa Akhlaaqda iyo qiimaha ay leedahay  waxaana sheekh Faarax  ugu danbayn tii bulshada qeebaheeda kaladuwan ugu baaqay in lanoqdo dad ay kamuuqato Akhlaaq wanaag maadaama aynu nahay dad muslimiin ah .

Muxaadarada qaybteeda labaad waxaa soo jeedshay Sh C/Laahi Siciid Axmed waxaana Sheekhu aad ugu dheeraaday baahida maantay bulshadeenu uqabto dhaqan wanaaga iyo waxaana sheekhu muhiim ku sheegay in bulshadeenu barato danaha bulsha ka dhaxaysa  sida in laga wadashaqeeyo  danaha guud .

Waxaana sheekhu kadigay dhaqan xumada kusoo badanaya labiska  da,yarta kuwaas oo aad moodo wixii  xumaa in ay u arkaan wanaag.

Kulankaan oo ah kii 1Aad ayaa waxaa uu noqonayaa  mid todobaadle ah  oo isbuucwalba aad kadhagaysan doon taan Radio Alxikma Iyo Radio Halgan ,

Nuur  Jaamac  Aadan

Garowe.

Hooskadhagayso,