+252 90 7798232 [email protected]

vvv.Allaha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Sheekh Yuusuf Sayid Cali Dhuux oo ka mid ahaa culimadii kaalinta weyn ka soo qaatay faafinta dacwada Soomaaliya waxaana sheekha wax ka bartay culimo badan oo Soomaaliya caan ka ah hadda kuna nool dalka Soomaaliya iyo dibadiisa.

Allaha u naxariistee Sh.Yuusuf Sayid Cali Dhuux ayaa in mudo ah ku xanuunsanaa magaalada Nairobi, geerida Sheekh Yuusuf Sayid ayaa waxaan uga tacsiyeynaynaan dhamaan umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan culimada Soomaaliya , Xertiisii , Ehelkiisii Asxaabtiisa iyo Caruurtiisa meel walba oo ay joogaanba waxaan Alle uga baryeynaaa inuu ku arsuqo Sabar, ajar-xisaabsi iyo intii uu ka tageyna inuu Badel kheyr qaba siiyo.

Hoos Gadhagayso.