+252 90 7798232 [email protected]

wwwwwwwWasaarada haweenka iyo arimaha qoyska  Dowladda Puntland ayaa mudadii loodoortay xilka waxay bilowday in ay sidhab ah uga shaqayso shaqooyinka kaladuwan ee khuseeya wasaarada waxayna kutilaabsatay guulo  lataaban karo.

Wasaarada ayaa maalmihii  lasoo dhaafay waxay waday wacyi galin dhanka diinta islaamka ah waxayna guud ahaan bulshada qay baheeda kaladuwan ugu yeeraysay  in ay bartaan shereecada Islaamka isla markaana kudhaqan keedu kamuuqdo bulshada guud ahaan teed .

Waxaana howlka wasaarada  Haweenka iyo arimaha qoyska lagu qabtay kulan ay soo qaban qaabisay xafiiska dacwada ee hoosyimaada  wasaarada qoyska  waxaana wasaaradu ku casun tay  culima Awdiin caan ka ah Somali.

Kulanka waxaa furtay Wasiirada Wasaarada Haweenka Iyo Arimaha qoyska ee Puntland Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin, waxayna ku dheeraatay baahida looqabo in guud ahaan bulshada loo sharaxo sida wanaagsan ee diinteenu  u dhowrtay xuquuda dumarka  waxayna wasiiradu hoosta kaxariiqday in dumarku ku baraarugaan dabinka shisheeyuhu u qodayaan oo aysan ku khatalmin

Wasiirada oo aad  ugu dhiiranayd  wanaaga ay diin teenu uhayso dumarka ayaa tiri hadaynu ku dhaqan no kitaabka Allah waxaynu helaynaa dhamaan Xuquuqda inaka maqan waxaana gaaraynaa  khayr aduun iyo mid aakhiro  waxayna xustay wasiiradu in ay tahay sababta Culimada aan ugu yeernay in ay Bulshada usharaxaan qiimaha ay diinteenu siisay Dumarka.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Sh Cabdiqani Qorane Maxamed waxaana sheekhu Amaanay Wasaarada iyo Dadaalaka ay kawado Puntland iyo sida wanaagsan ee ay iskugu xilqaamtay in ay usharaxdo Bulshada Diinta islaamka

Waxaana sheekhu soo jeedshay muxaadaro aad u qiimi badan  oo dhinacyo badan taabanaysa  hadaba hooska dhagayso Kulankii Wasaarada Haweenka Iyo Arimaha Qoyska ,

Nuur Jaamac Aadan Garowe

[email protected]