Masjidka Alhudaa ee magaalada Galdogob ama masjidka Macalin Siciid sida dadka qaar u yaqaanaan ayaa dayactir iyo dib u habayn kusocotay afartii bilood ee ugu danbaysay, waxaana shalay dib loogu tukaday jimcadii ugu horaysay, inkastoo shaqadii wali qaar socdo, waxaana laga qabtay:
1) Waxaa guud ahaan la badalay dadmadii hore iyo jiingadii, ayadoo dhismihiisa kor loo qaaday 1mitir iyo bar, halka la badalay sidoo kale safiitadii hore.
2) Waxaa la badalay guud ahaan nidaamkii korontada marwaxado safiitooyin iyo nalalba.
3) Waxaa loo sameeyey musqulo iyo weeso uusan horay u lahayn.
4) Waxaa loo dhisay qol xafiis ah, agabyada muhiimka ahna loo dhigo.
5) Waxaa loo sameeyey qurxin casri ah nuuradayn iyo rinjiyayn.
Hadaba shaqadii masjidka oo ay ka dhiman tahay godkii musqusha oo yara adkaaday iyo gogoshii masjidkii oo aan lacag loo hayn laguna qiimeeyey 1500$, (waa midii aan qorshaynay oo masjidka munaasabka ku ahayd), ayaan akhyaarta iyo samofaloyaasha ka codsanaynaa inay kharshka gogoshaas ka qaybqaataan si ay ugu baxsadaan maalinta la baahan yahay.
hadaba sadaqaada ha yaraato ha badnaato ku aadi , akoonka masjidku ku leeyahay bangiga Tawakal laanta Galdogob ama akoonkiisa sahal 430049 ama lambaradaan sahalka ee mobaylka ee gudiga 7759009 ama 7749957. Allaahna ma dayaco ajarka cidii samo fasha.
Waxaa qorshaysan in sidoo kale dib u habayn lagu sameeyo gudiyadii maamulayey iyo nidaamka masjidku ku socon doona iyo sidoo kale waliba duruusta iyo dacwada ka socon doonta insha Almawlaa.