Waxaa maantay kabilaabatay hoolka dugsiga sare ee alwaaxa magaalada garowe dowradii xagaaga loo qaban jiray ardayda waxka barata dugsiyada sare iyo macaahid ku yaal caasimada puntland ,
Dowradaan oo ah tii 8Aad oo ay qabato mu,asasada al minhaaj faraceeda gobolka nugaal dowradaan oo maalmihii lasoo dhaafayba ay ardayda iyo mu,asasada dadaal ugujireen diyaar garoow geeda ,
Waxaa maantay kasoo qaybgalay masuuliyiin kasocotay dowlada puntland culima aw diin can ah maamulka mu,asasada alminhaaj waxaana ugu horayntiiba lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha gudiga fulinta alminhaaj garowe Sheekh mukhtaar axmed faarax gudoomiyaha ayaa qeexan dowrada iyo danta laga lee yahay iyo waliba in tay socon doonto waxaana gudoomiye mukhtaar sheegay mudada ay socon doon to in ay dhan tahay 9bari wuxuuna sidookale kusheegay danta laga leeyahay in ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta jiilka mustaqbalka ,
Waxaa sidoo kale lagusoo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka nugaal cabdi qani xashi cali waxana gudoomiyuhu kacodsanday dhalintarada in ay noqdaan kuwa ka faa iidaysta jaaniska ay heleen maantay oo ah midqaali ah waxaana ugu danbayn tii daahfuray dowrada oo ah Tii 8Aad oo noo ceeda ah.
Waxaa isna goobta kahadlay sheikh axmed cabdi samad oo ku hadlayay magaca culimada waxaana sheekhu dardaaran qiimo badan usoo jeedshay ardayda waxaana uu xasuusiyay cabsida allah .
Waxaa hadalka isna qaatay wasiir kii hore ee maamul wanaaga mudane maxamed faarax ciise gaashaan waxaana uu dhalin yarada kala dardaarmay hooga tahriibta: