+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa galabtii labaad sitoosa uga socota dabaqa sare ee masjidka al huda magaalada garowe  dowro cilmiyeed socon doonta labo isbuuc waxaana soojeedinayay aqoonyahay sheikh cabdifataax cajab  .

Sida aan kahelnay gudoomiyaha golaha fulinta  mu,asasada alminhaaj  faraceeda garowe  SHEEKH MUKHTAAR AXMED FAARAX  mudada aysocoto waxaa looqaban doonaa bulshada qaybaheeda kaladuwan sida ardayda jaamacadaha ardayda dugsiyada sare  ardayda macaahidda ciidanka qaranka puntland isimada dumarka ganacsatada  saxaafada iyo macalimiinta dusiyada iyo school ladda .

Hadaba Kulankii galabtay oo ahaa mid xamaasadiisa khaaskaa wata ayaa waxaa  masjidka labadiisa dabaq  soo buuxdhaafshay arday is kugujira gabdho iyo wiilal waxaana sheikh cabdi fataax cajab galabtay ugadhigay ciwaan

(Aamin waad gaaraysaaye ) sheekha ayaa waxa uu guubaabo iyo dhiirigalin qiimo badan usoo jeedshay kumanyaal arday ah waxaana sheekhu tusaale usoo qaatay xadiis kii abuubakar zadiiq ee ahaa (ayanqusu diinii wa anaa xayi )      iyo tusaalooyin kaloo farabadan ,

Gabagabadii galabtay ayaa sheekha iyo ardaydu waxay galeen in ay weydiiyaan su,aalo sheekhuna uga jawaabo su,aalaahan oo noqday kuwa dhaliyay faa iidooyin aad ufarabadan .

Waxaa bari loo balan san yahay qaybtii sheekhu uqaban lahaa ardayda jaamacadaha  hadii illaah qadaro

WWW.ALMINHAAJ.COM

 

DSC04793 DSC04781 DSC04778 DSC04775 DSC04770 DSC04785