Dowradaan oo ciwaankeedu ahaa (TUSIDA WADADA GUUSHA) Waxaana kaqayb qaadanayay aqoon yahanno kaladuwan waxaana furitaanka xaflada kasoo qaybgalay Maamulka Mu’asasada Al-Minhaaj Xasiiskeeda gobolka Nugaal Culima Awdiin iyo Marti sharaf kale.
Waxaana darsiga furitaanka maantay galay Sh Axmed Maxamed Faarax(Sh Dheeli) waxaana sheekhu dumarka usoo bandhigay darsi qiimi badan oo sheekhu aad usoo doyaariyay waxaana uu ciwaan uga dhigay Sheekhu Sidee gabadha muslimadaa unoqonkartaa daaci bulshada khayrka ugu yeerta .
Waxaana sheekh Axmed gabdha aad ugu boriyay in ay kahortagaan dhibaatooyin badan oo ay kamidtahay gabdhihii oo in toodaban katageen xijiibka ama suxun u adeegsaday taasina waa mas’uuliyad saran dhamaan teen laakiin dumarku waxay kuleeyihiin saamayn hadii ay u istaagaan wacyigalinta bulshada iyo in loogu yeero dariiqa saxdaa .
Waxaa kaloo sheekhu kalahadlay dumarka siday u noqon lahaayeen kuwa bulshadu kaga dayato dhaqan wanaagooda iyo sifaadka ay leeyihiin taasina waxay sababi kartaa in bulshadu ka badbaado gacmo shisheeye .
Sheekha oo kamid ah Culimada Isticmaasha aalada looyaqaan (SOCIAL MEDIA) Ayaa ugu baaqay dumarka ducaadaa in ay isticmaalaan kuna faafiyaan khayrka kagana hortagaan fasaadka iyo dhaqan xumada isla markaana soo daabacaan wax khayr .
Ikusoo duuboo kulankaan ayaa ugu danbayn tii dumarku waxay weydiiyeen sheekha su,aalo kusaabsan darsiga waxaana heekhu ka kaafiyay dhamaan su,aalihii ayqabeen axaana uu siiyay dardaaran kuwajahan sideyn u qorshayn lahaayeen waqtigooda islamarkaana dacwada uga faa iidayn lahaayeen waxaana lawada gaaray guud ahaan in laqaado masuuliyada diimeed .
Waxaana bari loobalan sanyahay darsigii labaad ee Dowrada waxaana kuqoran labada aqoonyahan eek ala ah Dr Cabdiraxmaan Maxamed Abshir Iyo Maxmed Jeele Dhuubow Aaden .
Nuur Jaamac Aadam
Al-Minhaaj Puntland.