+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maanta Kaqalin  jabiyay Machadka Khadiija Bintu khuweylid ee Barashada Shareecada Islaamka   dufcadii 10aad Ahna Tiradii ugu badnayd ee Intii uu jiray Machadu Kaqalin jabisa.

Dufacdaan Maantay Kaqalin jabisay ayaa dhamayd 63arday oo iskugu jirta wiilal iyo gabdho sida uu sheegay Maamule kuxigeenka Machadka Cabdalla saciid Khayaad.

Xafladaan oo ahayd mid balaaran islamarkaana ay kasoo qayb galeen Wasiirka Arimaha diinta  Dowlada puntland /Culima Aw Diin /Madaxda Mu’asasda Al-minhaaj /Mamulka &Mcaliimnta Machadka Khadiija Bintu Khuweylid Iyo Waliba marti sharafkaloo badan.

Waxaa xusid mudan in labadii arday oo ugu sareeyey ay jaamacadda bariga afrika  iyo mu’asasada alminhaaj u ballan qaadeen deeq waxbarasho.

Xafladu Waxay kusoo dhamaatay Jawi farxad ka muuqato dhamaan ardaydii iyo waalidiinta ayaa siwadajir ah  uga mahadceliyay Mamulka Iyo Macalimiinta Machadka  Khadiija Bintu Khuwaylid

Nuur Jaamac Aadan

Xafiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj

Email. [email protected]

vlcsnap-2017-08-17-15h48m40s931 vlcsnap-2017-08-17-15h49m08s608 vlcsnap-2017-08-17-15h49m45s215 vlcsnap-2017-08-17-15h50m52s262 vlcsnap-2017-08-17-15h51m02s282 vlcsnap-2017-08-17-15h51m21s904 vlcsnap-2017-08-17-15h51m57s675 vlcsnap-2017-08-17-15h43m32s701 vlcsnap-2017-08-17-15h43m56s296 vlcsnap-2017-08-17-15h44m54s262 vlcsnap-2017-08-17-15h45m15s444 vlcsnap-2017-08-17-15h45m23s380 vlcsnap-2017-08-17-15h46m34s132