Xafladaan oo ahayd mid balaaran islamarkaana ay kasooqayb galeen Maamulaha guud Ee Dugsiga Alwaaxa Waaridiin Macaliin Iyo marti sharaf kaloo badan ayaa kadhacday dugsiga hoose ee alwaaxa oo kuyaal xaafda waabari ee Magaalda Garowe .
Ugu horayn Maxamed Cali Axmed Oo Ah Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe ee alwaaxa ayaa kawarbixiyay xafladaan iyo qiimaha ay dugsiga u ledaha waxaana uu qiray in kamaamul ahaan ay kufaraxsan yihiin 37arday oo sanadakaan u baasay Dugsiga Sare.
Dhanka kale Maamulaha Guud Ee Alwaaxa Axmed Ciise Cabdi raxmaan Ayaa Dhankiis muujiyay sida uu gu faraxsan yahay waxaana uu sigaara ula dardaarmay ardaydii kabaastay fasalka 8aad.
Ugudanbayn xafladaan ayaa kusoo idlaatay jawi farxadeed waxaana ardada iyo waaridiinta dhalay wajiyadooda laga dheehan karay farxad weyn waxaana lagudoon siiyay abaal marimo badan oo qaali ah.