Dumarka Dacwad Ee Mu,asasada AlMinhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal ayaa sanadwalba waxay qabtaan Shir Sanad le ah waxayna kaga hadlaan arimo badan oo dan u ah diinta iyo horumarinta dacwada gaar ahaan sidii dumarku u noqon lahaayeen kuwa kusi fooba diin iyo dhaqan wanaag ,
Kulankaan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen dumar boqolaal ah kuwaas oo dhamaan tood laga dheehan karay wajiyadooda farxad iyo faa iidooyin ay kadhaxleen kulankaan waxaa dumarka dacwada oo maalamhaan ba waday ollale dacwadeed oo ay ku booqanayaan maraakizta dacwada iyo qaybo kamid ah maasaajida halkaas oo dumar badan igu yeerayeen dacwada allah iyo zunada Nabigeena Muxamed Salallahu Calay hi Wasalam .
Shirkaan sanadla ha ah oo ka Duwanaa kuwii sanadadii hore ayaa ahaa mid siwanaagsan loo soo agaasimay waxaana dumarka dacwada ee hoosyimaada mu,asasada Alminhaaj ay halkaas kusoo bandhigeen wax qabadkoodii sanadkii tagay waxayna islamarkaa soo bandhigeen waxaay tiigsanayaan sanadka soo socda waxaayna dumarka soomaaliyeed iyo guud ahaan Iyo Kuwa islaamka ugu baaqeen kudhaqanka diinta islamka iyo qabsashada zunada nabigeene .محمد صلى الله عليه وسلم
waxaana halkaas balan lagu wada gaaray in siwada jir ah looga shaqeeye fidinta iyo barashada diinteena suuban .
Nuur Jaamac Aadam Al-Minhaaj Garowe