+252 90 7798232 [email protected]

Gudiga oo ka koobnaa Afar Kooxood waxay biyo gaar siiyeen Dhamaan Degmooyinka /Tuulooyinka/Baraha ay Soowada Dageen Dadkii Cayroobay ee kawada tirsan Gobolada Mudug Iyo Nugaal .
Kooxahaan oo Dhamaan Tood ka anbabaxay Garowe ayaa u kala jihaystay Mudug Iyo Nugaal waxayna isku qaybiyeen sidatan
Dhulka Looyaqaan Caduunka Ee Dhaca Koonfurta Mudug Waxaa Hogaaminayay Sh Aadam Maxamed Cigaal Iyo Gudomiyaha Minhaaj Mudug Cawil Muumin .
Dhulka Looyaqaan Ciidka Ee Dhaca Waqooyiga Mudug Waxaa Hogaaminayay Sh Suldaan Cabdiqani Qorane Iyo Sh Faarax Cajab Iyo Nuur Jaamac Aadan .
Dhanka Gobolka Nugaal Gaar ahaan Dhanka Iyaxda Waxaa Hogaaminayay Sh Yaasinn C/llahi Iyo Maxamed Xamari

[nggallery id=50]
Dhanka Caduunka Iyo Hoydka Ee Dhaca Koonkufta Nugaal Waxaa Hogaaminayay C/Kariin Muuse Dhamaan Dhulka biyaha Lagaarsiiyay oo iskugu jiray Dagmooyin /Tuulooyin Iyo Deegaano Cusub oo ay soodageen Dadka Ku cayroobay Abaarta waxay Gaarayaan 96Goobood Biyaha Lagaarsiiyayna waxay gaarayaan ilaa 1000 Booyadood.
Ugu danbayntii Culimadu waxyaabihii Ay layaabeen waxaa kamid ahaa
(1) Rag Iyo geel nafaqo daro La’indhabeelay
(2) Deegaano Halis Ugu Jira In Ay U dhintaan Oo Kadib Markii Bacaad Xiray wadadii wax loo mari kiray
Iyo Arimo aloo badan kuwaas oo aadan marna Suraysan karin .

Hooskadaawo

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska warbaahinta Al-Minhaaj Puntland