3dii-5tii Bisha Janaaayo 2016 waxay Guddigii Culimada ahaa soo gabagabeeyeen Xaqida ama simidda Dhaawacyadii soo kala gaarey Beelihii walaalaha ahaa ee hadda ka hor Colaadu ku dhexmadhay aaga u dhexeeya Magacley iyo qoriley , Guddigaas Culimada ah oo lagu magacaabay Gogoshii lagu heshiisiinayey labada beelood taasoo ka dhacday Dhowaan Meesha la yiraahdo Xoorre in tii u dhexaysey:
9-14 /11/ 2015.
Culimadu waxay ku Xaqeen Tuulooyinka Magacley iyo Qoriley dhaawacyada 50 Qof oo ka tirsan Labada Beelood ,waxaana dib loo dhigay Xaqitaanka Afar Qof , dhaawacyadaas isu geyn waxaa laga xaqay Geel gaaraya 861 Halaad , iyadoo Qofka ugu yar laga simay 2Halaad, midka ugu badana laga simay 90.66 Halaad.
Waxay Culimadu sheegeen in Dhaawacyadaas la xaqay ahaayeen Tiradii ugu badnayd ee Hal meel lagu wada xaqo inta ay taariikhda ogyihiin.
Intii Culimadu joogeen Dhulkaas hada kahor Colaadu ka dhacday waxaa farxad geliyey inay arkeen Nabaddii oo si dhamaystiran loowada qaatay , Labadii dhinac oo isku dhexjira , iyadoo Kaftanka iyo Sheekada lays dhaafsanayo , sidoo kale waxay Culimadu aad ugu Farxeen intii ay Joogeen Tuulooyinkaas hada ka hor Colaadu ka dhacday inaanay hal mar arag wax Qori ah ama Hub kala ah oo shacabka Beelahaasi ay wataan, taasoo Tilmaan u ah inaanay jirin Wax Cabsi ah oo Dhinacyadu ay kala qabaan .
Waxaa Xusid Mudan in Gogoshaan tii ka horreysey ee Xoorre taasoo lagu heshiisiiyey Beelahaas Bishii November 2015 inay kasoo qaybgaleen Isimo iyo Odayaal 150 ka badan kuwaas oo kakala yimid Dhulalka ay Soomaalidu degto sida Jubaland ,Kilinka shanaad ee Itoobiya ,Puntland Goboladeeda kala duwan iyo Meelo kaleba , waxaana Gogoshaas lagu dhamaystiray sidii loo kala qaadan lahaa Magihii dadkii colaadaas ku dhintay iyo sidii loola kala wareegi lahaa wixii Hanti ah oo lakala hayey, iyadoo lagu balamay in wax walba 6-Bilood Gudaheed lagu dhamaystiro .
Waxay Culimadu Mahad Balaaran u Celinayaan Allaah ka dib dhamaan Isimadii iyo Odayaashii ka qaybqaatay soo ururinta dadkii dhaawaca ahaa iyo in Xaqidaasi u dhacdo sidii ugu haboonayd .
Magacyada Culimada Dhaawacyadaas xaqay iyo Meelahay kakala yimaadeen :
1- Sh.Cabdinaasir X.Axmad /Laas-caanood.
2- Sh.Maxamuud X.Yuusuf/Garowe.
3- Sh.Mahad Cabdullaahi Maxamad/Galdogob .
4- Sh.Cabdirashiid Maxamad ismaciil/Garowe .
Sh.Maaxamuud Xaaji Yuusuf Garowe
5- Sh.Axmad Sh. Cumar Xasan /Buuhoodle .