Xafladan oo ahayd mid uu xilka kula wareegayo Gudomiyaha cusub ee Mu’asasada Al Minhaaj faraceda Gobalka Nugaal aya lagu qabtey Hool ka Macadka Maryama Bintu Cimraan ee Magalada Garowe.
Xil-wareejintaan aya waxa kaso qeyb galey Madaxda Mu’asasada Al Minhaaj Puntland, Wasaarada Caddaalada Diinta Iyo Awqaafta, Aqoon-yahano Iyo Haween ka Dacwada Gobalka Nugaal.
Gudoomiyihi hore ee Mu’asasada Al Minhaaj faraceeda Gobalka Nugaal Sheekh Mukhtaar Axmed Farax oo ka war bixiyey wax qabad kiisi mudadi uu joogey Xafiiska aya shegey iney wax badan u qabsoomen waxna qabyo yihiin, Isago Gudomiyaha cusub ku booriyey inuu sii dhameystiro wuxuna Allah uga baryey inuu xilka u fududeeyo.
Gudomiyaha cusub ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gobalka Nugaal Sheekh Maxamed Siciid Xassan aya uga mahad celiyey Sheekh Mukhtaar wax qabad kiisa, Isagoo sheegey inu dedaalka halkaasi kasi wadi doono, Sheek Maxamed Siciid aya ka codsadey bulshada Gobalka Nugaal iney sifican ula shaqeyan.
Suldaan Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed oo ka hadley xaflada xil-wareejinta aya sheegey iney Al Minhaaj ahayd abuur wanagsan iyo hindise ka yimid Culumadda, wuxu intaasi ku darey shaqooyin badan ay qabatey isla markaana waxyabaha harey laga doonayo Gudoomiyaha cusub oo uu shegey inuu yahay mirihi Alminhaaj.
Wasiir ku xigeen ka Wasaarada Caddaalada Diinta Iyo Dhaqan celinta Puntland Dr Abdifitaah Xassan Xuseen oo so xirey xaflada aya bogaadiyey Mu’asasada, wuxuna shegey inuu si dhow ula shaqeyn doono Gudoomiyaha cusub, Isagoo ka codsadey in lo geeyey feelasha wax qabad ee Mu’asasada Al Minhaaj si uu uga war hayo.
Maxamed Fowsi Askar
Al Minhaaj.com