Gaalkacyo:Gudoomiyaha muasasada Al Minhaaj Mudug ayaa ka qayb galay furitaanka shir waynaha 4aad ee dallada ardayda ka baxday macaahidda kaasoo sanadkan Lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
kulan waynihii Afraad ee Daladda Ardayda ka baxday Macaahidda Sharciga ee Soomaaliya oo ay martigalisay sanadkan Ururka Beder ayna soo qaban qaabisay Daladda ardayda ka baxday macaahidda sharciga ee soomaaliya, ayna ka soo qaybgleen in ka badan 20, kuwaas oo ka kala yimid dhammaan gobollada soomaaliyeed.
Kulan waynaha ayaa waxaa loo sameeyay xaflad furitaan ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Khaliif, Gudoomiyaha Raabidada isku xidhka Macaahidda Sharciga e Soomaaliya Sh Axmed Cabdisamad, godoomiyaha jaamacadda bariga afrika faraca Mudug Dr.Sh Aadan Maxamed Cigaal, godoomiyaha mu’asada minhaaj gobolka Mudug Sh Axmed Maxamed Xirsi ‘’Faratooyo’’, iyo qayb ka mida indheer garadka magaalada.
Xafladda ayaa waxaa lagu furay ayaadka eebe wayne oo uu akhriyay walaal Maxamed Cali Cige, intaa ka dibna waxaa soo jeediyay kalmad soo dhawayn ah Maamulaha Machadka Faaruuq Sh Bashiir Cabdiqaadir Aadam oo ku hadlayay Maamulka Machadka taas oo uu ku muujiyay farxaddood ka dhanka ah inay martigaliyaan dhalinyaradan iskaga kala timid gobollada soomaaliyeed.
Intaa Ka dib waxaa hadlay godoomiyaha Daladda ardayda ka baxday macaahidda sharciga ee soomaaliya walaal Sakariye Sh Yuusuf Maxamuud asagoo ka hadlay dadaallada waawayn iyo shaqooyinka dallada ay qabatay tan iyo markii la aasaasay, hawalahaasoo ay mid ahayd walaalaynta umadda soomaaliyeed, taas oo ay qabatay Daladdu laba shir oo waawayn oo looga hadlayay walaalaynta umadda kuwaas oo lagu kala qabtay Ceerigaabo iyo Boosaaso si loo mideeyo umadda soomaaliyeed, loona xoojiya xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya, lana tirto beenta iyo borobogaandad ay sameeyeen cadawga umaddu si ay ukala kaxeeyaan una baab’iyaan awooddooda, sidoo kale wuxuu sheegay inay Daladdu tahay ururka kaliya ee noocaan ah ilaa hadda soomaaliya ka jira wuxuuna yiri “way wadi doontaa Daladdu dadaalladeeda ay ku doonayso midawga umadda ayagoo ay jraan dhibaatooyin iyo wax hortaagan oo qaar ka mida ah ay ka imaanaya gobollada dalka” sidoo kale wuxuu yiri “ dhammaan kuwa is hortaaga fikrahada wanwanaagsan way dabar go’aan waxaana hara kuwa xanbaarsan fikradahaas,taariikhduna waa markhaatiga ugu dhaw”.
Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda gadoomiyaha jaamacadda bariga afrika faraca Gaalkacyo Sh Aadan Maxamed Cigaal asagoo soo dhaweeyay Daladda kuna bogaadiyay shaqada ay hayso, sidoo kalena wuxuu ka hadlay faa’iidada ay leedahay in la qabto shaqadaan iyo in la helo dhalin yaro xanbaarsan han umadeed, hor istaagana qof walba oo umadda kala gaynaya, sidoo kale wuxuu bogaadiyay shaqada dacwadeed ee ay dhalinyarado wada ee ay dadka ku gaarsiinayso diinta alle baraysana.
Waxaa kaloo ka hadlay xafladda sh. Axmed Cabdisamad asagoo muujiyay farxaddiisa ka dhanka ah inuu arka da’yar soomaaliyeed oo ku hawlan hormarinta iyo walaalaynta umadda soomaaliyeed awal meeshii ay dhalinyarada u isticmaalaan kuwa doonaya kala goynta umadda soomaaliyeed iyo kuwa dadka dhiigooda ku bannaystay magaca diinta, ayagoo waxa ay samaynayaan diinta sal iyo baar kulahayn, sidoo kale umadda soomaaliyeed wuxuu ugu bishaareeyey inuu dillaacay waa-bari cusub kaas oo ay dhamaatay in loo isticmaalo awoodda dhalinyaro awood wax lagu burburiyo ayna noqotay awood wax lagu dhiso.
sidoo kale wuxuu yiri “waxaan dhihi karnaa wuu hirgalay u jeeddadii loo asaasay maxaa yeelay waxaa ka mid ahayd ujeedooyinka waawayn ee loo asaasay macaahidda soo saarista jiil ku hubaysan diinta ilaahay fahamsanna kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka sidii ay u fahmeen salafku , xanbaarsanna hammi umadeed”.
Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta xafladda godoomiyaha mu’sasada minhaaj gobolka Mudug Sh Axmed Maxamed Xirsi, asagoo halkaa ka soo jeediyay kalmad baraarujina,ugana baaqay kasoo qaybgalaasha inay shaqeeyaan habeen iyo maalin si ay u hirgaliyaan ujeedada shirka.
Gabagabadii waxaa hadlay Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo ka mid ah hogaanka dhaqanka Puntland isaga oo sheegay in kuwa xambaarsan kitaabka eebe wayne ee yaqaaan aqoonta saxdaa inay yihiin hogaamiyaasha iyo layrka la ifsanayo ifkiisaa marwalba sidoo kalana wuxuu sheegay Muhiimadda ay leedey inay bulshadu isku duubnaato o ay isku xidhnaato, sharaftii iyo karaamadii ay lahayd soomalidii hore waxay ku iman kartaa iskaashi buuxa iyo iyo cafis.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug