Galkacyo:-Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi ‘Faratooyo’ ayaa maanta ka qeybgalay Xaflad Sagootis ahayd oo ay soo qaban qaabiyeen Arday ka qalin badeshay Machadka Barashada Diinta Islaamka Iyo Luqada Carabiga ah Ee Faaruuq.
Gudoomiye Faratooyo ayaa ardayda ku dhiirageliyay Dadaalkii Iyo Juhdigii ay kusoo bixiyeen ka guul gaarista ahdaaftii ay mudo soo wadeen waxaana uu kula dar daarmay inay sii wadaan Hamigooda waxbarasho.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxa uu ubalan qaaday ardayda ka qalin jabineysay Machadka Faaruuq in Mu’asasada Alminhaaj mudug ay diyaar u yihiin inay ardaydaasi ay ka saacidaan sidii ay unoqon lahaayeen Ducaad dadka wax gaarsiiya sida inay ka qeyb galaan Soo Jeedinta Khudbadaha Jimcaha Iyo Ka qeyb qaadashada Arimaha kale ee Dacwada.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu Mahad Iyo Bogaadin usoo jeediyay Maamulka Iyo Macalimiinta Machadka Faaruuq oo si dhiiranaan leh usoo saaray arday badan oo maanta udub dhexaad u ah Arimaha Dacwada ee Deegaanada Puntland.
Si kastaba ha ahaate intii ay socotay Kalmadaha Dhiiragelinta ahaa ee uu soo jeedinayay Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi ‘Faratooyo’ ayaa dhammaan ardaydii qalin jabineysay maanta waxaa wajiyadooda laga dheehan karay Farxad iyo Niyad samida ay u hayaan dhiiragelintaasi gudoomiyaha usoo jeedinayay.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Alminhaaj-Mudug