Galkacyo:- Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi ‘’Faratooyo’’ ayaa Galabta Xafiiska ku qaabilay wafdi uu Hogaaminayay Gudoomihii hore ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug oo Magaalada Galkacyo soo gaarey.
Wafdigan uu Hogaaminayay Gudoomiyihii Hore Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Sheekh Cawil Axmed Muumin ayaa waxay kala ahaayeen:-
- Cawil Axmed Muunim
- C/naasir yuusuf xuseen
- C/risaaq c/laahi Daahir
- Sh,C/qaadir Sh.Maxamuud
Ugu horeyn waxaa Kalmado soo dhaweyn ah iyo xog warran soo jeediyay Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi ‘’Faratooyo’’ isagoo ku dheeraaday ka sheekeynta xogo ku aadan xafiiska mudadii lixda Bilood ahayd oo ay Joogeen.
Gudoomiye Faratooyo ayaa sidoo kale soo hadal qaaday guulihii u qabsoomay tan iyo markii Xafiiska ay la wareegeen,wuxuuna ku amaanay Maamulkii hore wax qabadkii iyo Hawl karnimadii ay qabteen intay xafiiska joogeen isagoona sheegay inay xiriir wanaagsan ay leeyihiin ayna iska kaashadaan sidii loo hormari lahaa Arimaha Mu’assasada.
Sidoo kale Gudoomihii hore ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Sheekh Cawil Axmed Muumin ayaa isaguna kalmado mahad celin ah iyo Dhiiragelin ah kasoo jeediyay madasha.
Sheekh Cawil Axmed Muumin ayaa Maamulka uu horkacayo Gudoomiye Faratooyo waxa uu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalada ay wadaan waxa uuna talooyin wax ku ool ah oo ku Saabsan Bisha Ramadan la wadaagay Maamulka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug.
Wafooda la socotay Gudoomihii hore ee Mu’assasada Sheekh Cawil Axmed Muumin ayaa iyaguna dhankooda ku biiriyay Gudoomiyaha Al Minhaaj Mudug talooyin muhiim ahaa oo lagu hormarinayo Arimaha Dacwada Iyo Hormarinta Bulshada.
Si kastaba ha ahaate Wafdigan uu Hogaaminayay Gudoomiyihii Hore Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Sheekh Cawil Axmed Muumin ayaa la filayaa maalmaha soo socda inay ku laabtaan Magaalada Hargeysa oo ay ka yimaadeen iyagoona ka mid ahaa ardayda dhigata Machadul Caalii ee Magaalada Hargeysa.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug