Galkacyo:- Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa galabta gaarsiiyay Kutub qaar kamida Kaamamka ku yaala Duleedka Magaalada Galkacyo.
Gudoomiyaha ayaa kutubta waxa uu gaarsiiyay Dugsiyo ku yaala Kaamamka Dan wadaag Iyo Waaya Arag oo ay ku sugnaayeen Arday aad ufara badan kuwaasi oo baahi badan u qabay helidda kutub ay wax ku bartaan.
‘’Mudooyinkii ugu dambeysay waxa isi soo tarayay soo gudbinta baahiyo badan oo ku aadanaa helidda kutub ay ardaydu wax ku bartaan, waxaana illaah mahadii ah in Galabta Xafiiska Mashaariicda Mu’assasada Al Minhaaj Mudug uu ka jawaabo Soo Gudbinta Baahiyaasi ‘’ waxaa sidaasi warbaahinta usheegay Gudoomiye Maxamed Xasan Waloore.
Gudoomiyaashii kamamka Dan wadaag Iyo Waaya Arag ayaa aad uga mahad celiyay kutubtani Mu’assasadu soo gaarsiisay waxayna balan qaadeen in si cadaalad ah ay ardayda ugu qeybin doonaan.
Sidoo kale Barayaasha Dugsiyada la gaarsiiyay Kutubta ayaa iyaguna aad uga mahad celiyay, waxayna Duco iyo Hambalyaba udireen Maamulka sare Ee Mu’assasada Al Minhaaj iyagoona ku dhiirageliyay inay sii laba jibaaraan hawlaha wanaagsan ee ay Bulshada uhayaan.
Intii aan ku guda jirnay Qeybinta kutubta ayaa waxay indhaheynnu qabanayeen ardayda aad u da’ yar kuwaas oo kuda jiray Barashada Qur’aanka Kariimka, waxaase aad uga naxaysaa markii aad aragto ardaydii oo dhulka fadhida oo aan haysan wax ay ciida isaga celiyaan.
Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa baaq udirey dadweynaha soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsata iyo qof walba oo wax gaarsiin kara ardaydaas inay ka caawiyaan sidoo loo heli lahaa goobo ku wanaagsan barashada Qur’aanka Kariimka.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug