+252 90 7798232 [email protected]

 

Galkacyo:- Gudoomiye ku Xigeenka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Ustaad C/raxmaan Sheekh Bilaal Caad ayaa Galabta  ka qeybgalay Xaflad balaaran oo lagu sagootinayay ardayda fasalka 8aad ee iskuulka Imaamu Shaafici ee Magaalada Galkacyo.

Ustaad C/raxmaan Sheekh Bilaal Caad oo ku hadlayay Magaca Maamulka Sare ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa ardayda la wadaagay Farxadda iyo Hambalyada ku aadan dhameystirka waxbarashada Asaasiga ee ay Ardaydu soo dhameysteen.

Gudoomiye ku Xigeenka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa dhammaan ku dhiirgeliyayArdayda inay sii wadaan Dadaalkooda waxbarasho iyo inay ka dhabeeyaan hadafkoodii ahaa inay noqdaan Arday waxbaratay oo ka qeyb qaadata la Dagaalanka Jahliga Iyo Faqriga.

Sidoo kale Ustaad C/raxmaan Sheekh Bilaal Caad ayaa ku ammaanay maamulka iyo MacalimiintaIskuulka Imaamu Shaafici waqtigii iyo Juhdigii ay ku bixiyeen soo saarista ardaydan qiimaha badan ee maanta gaarey dhameystirka heerka  Asaasiga ah ee waxrashadooda.

Intii ay socotay Khudbadda Gudoomiye ku Xigeenka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa ardayda waxay ahaayeen kuwa aad ula dhacsan macluumaadka dhiiragelinta ah ee uu ustaad C/raxmaan la wadaagayay isagoona arayda ku dhiiragelinayay sidii ay uga faa’ideysan lahaa waqtigooda inta ay yaryihiin.

Si kastaba ha ahaatee Xafladan uu ka qeybgalayay Gudoomiye ku Xigeenka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa ardayda fasalka 8aad ee iskuulka imaamu shaafici waxay kusoo bandhigeen Macluumaad badan oo ka tarjumayay wixii ay soo barteen.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka ee Al Minhaaj mudug